Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la isla dhexmarayaa sawiro qooys la leeyahay waxaa lagala baxay kilyaha iyo beerka

Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la isla dhexmarayaa sawiro qooys la leeyahay waxaa lagala baxay kilyaha iyo beerka


ADVERTISEMENTS
Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la isla dhexmarayaa sawirro qoys soomaaliyeed oo dhinta, kuwaasoo la leeyahay waxaa lagala baxay kilyaha iyo beerka iyagoo ay ka muuqato tolmo qalliin.

Waxaan rabaa in aan u sheego dadka sawirradaas qeybinayo ama soo geliyayba inaysan jirin wax qalliin ah oo lagula baxay killi iyo beer toona.

Waxa qoyska ka muuqdane waa qalliin baaris sabab-dhimasho oo lagu sameeyo qofka markuu u dhinto sabab aan la garanayn iyadoo la eegayo in qofkaasi la dilay iyo inuu geeri dabeeci ah ku timid, waxaana qalliinkaas loo yaqaanaa "Autopsy", qof kasta oo meedkiisa meel laga helane sharci ahaan waa lagu sameeyaa wadan walba, waana cilmi la barto, loona yaqaano "Forensic Medicine".

Qalliinka waxaa lagu furaa madaxa, feeraha iyo caloosha, waxaana loo sameeyaa qaabka ka muuqdo sawirrada la faafinayo.

Fadlan dadka sawiradaas faafinayo oo beenta ku lifaaqay, ha joojiyeen, meydka ha xurmeeyaan oo haka saaraan sawirradaas baraha ay soo dhigeen.

Haloo naxariisto dareenka ehellada iyo qraabada ay ka dhinteen.

Mahadsanidiin.
__________________________________________________________
F.G: Qalliinka waxaa lagu sameeyay isbitaalka مستشفى كفرالشيخ العام, waxayna ahaayeen 11 qof inta hadda meydkooda la helay, waxaana laga soo helay tuulo xeebta saaran loona yaqaano "قرية مسطروه" waxaana la qallibmay doon ay ku tahriibayeen.

xigasho: somalidoc.com

haalkaan ka daawo muuqaalka la faafiyay



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la isla dhexmarayaa sawiro qooys la leeyahay waxaa lagala baxay kilyaha iyo beerka
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-05T19:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la isla dhexmarayaa sawiro qooys la leeyahay waxaa lagala baxay kilyaha iyo beerka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 7:00 PM and have 0 comments