Video: Ayan Hersi iyo Gabdho Muslimiin ah oo Soomaali ay ku jirto oo TV uu dood u qabtey, Gabadhii Soomaalida iyo Ayaan oo gacan ka hadal ku sigtay + fadeexad Ayan ku dhacdey

Video: Ayan Hersi iyo Gabdho Muslimiin ah oo Soomaali ay ku jirto oo TV uu dood u qabtey, Gabadhii Soomaalida iyo Ayaan oo gacan ka hadal ku sigtay + fadeexad Ayan ku dhacdey


ADVERTISEMENTS
Barnaamijka caanka ah ee Women In The World ayaa waxa uu dood diinta Islaamka ku saabsan u qabtey Haween Muslimiin ah iyo qaar Gaalo ah balse markoodii hore Muslimiin ahaa, si looga doodo mustaqbalka Haweenka Muslimiinta.
Ayan Hersi oo ah Haweeney asal ahaan Soomaali ah balse caddeysatay naceybkeeda iyo dagaalka ay kula jirto Islaamka iyo Muslimiinta ayaa aheyd Haweeneyda Gaasha ah ee doodda dhinaceeda xun kasoo jeedday.
Halka Haweenka Muslimiinta ahna ay ahaayeen Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Hibaaq Osman, Zahra’ Langhi iyo Farah Pandith oo u kala dhashey Liibiya iyo Hindiya oo dhammaantood fikrado kala duwan xambaarsanaa, balse ka sinnaa in Ayaan Hersi warkeedu yahay naceyb Islaam iyo buun buuninta fikradaha reer galbeedka.
Dooddan oo xasaasi aheyd, dhinacyo badanna la iska duray, ayaa waxey ku sigatay in ay gacan ka hadal sababto kadib markii Hibaaq Osman ay ka carootay hadal Ayaan Hersi ay Nebi Muxamed (SCW) ku aflagaadeysay oo ku saabsanaa guurkiisii Caa’isha RC iyo arrimaha galmada iyo guurka da’yarta dumarka.

Daadihisadii barnaamijka ayey ku adkaatey in ay maamusho doodda, maadaama caro badan iyo hadal qeylo dagaaleed ah ay iskula dhaqaaqeen Hibaaq Osman iyo Ayaan Hersi, taasoo dadweynihii goobta doodda joogay ay u kala baxeen qaar amakaagsan, kuwa sawaxan badan iyo dhig sacabka u tuma labada dhinac midkood.


DAAWO DOODDA AYAAN IYO HAWEENKA MUSLIMIINTA EE DAGAALKA SABABI GAARTEY



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Video: Ayan Hersi iyo Gabdho Muslimiin ah oo Soomaali ay ku jirto oo TV uu dood u qabtey, Gabadhii Soomaalida iyo Ayaan oo gacan ka hadal ku sigtay + fadeexad Ayan ku dhacdey
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-13T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Video: Ayan Hersi iyo Gabdho Muslimiin ah oo Soomaali ay ku jirto oo TV uu dood u qabtey, Gabadhii Soomaalida iyo Ayaan oo gacan ka hadal ku sigtay + fadeexad Ayan ku dhacdey



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:00 AM and have 0 comments