Ururka Daacish oo sheegtay inay burburiyeen mid ka mid ah kolonyada Amisom oo maraayay duleedka Muqdisho..

Ururka Daacish oo sheegtay inay burburiyeen mid ka mid ah kolonyada Amisom oo maraayay duleedka Muqdisho..


ADVERTISEMENTS
Ururka Daacish oo ku xoogan dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa sheegtay in weerarkii ugu horeeyay ay ka gaysteen dalka Somaliya, isla-markaana ay la beegsadeen kolonyo ay leeyihiin Ciidanka Amisom.
Gaari ay la socdeen Ciidanka Amisom oo maraayay deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayay sheegteen inay qarax miino ku burburiyeen.
Daacish, ayaan kala cadayn goorta uu weerarkaasi dhacay iyo waxyeelada ka soo gaartay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, marka laga soo taggo burburka gaarigaasi.
Dowladda Somaliya iyo Taliska Amisom, ayaan illaa iyo hadda wax war ihi ka soo saarin hadalka ka soo yeeray Ururka Daacish, xilli warkan lagu baahiyay wakaaladda afka Daacish ku hadasha ee Amaq.
Bishii October, ayay ahayd markii xoogag ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ay ku dhawaaqeen inay si rasmi ihi ugu biireen Ururka Daacish, oo isu magacaabay Dowladda Khilaafada Islaamka.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Ururka Daacish oo sheegtay inay burburiyeen mid ka mid ah kolonyada Amisom oo maraayay duleedka Muqdisho..
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-26T05:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ururka Daacish oo sheegtay inay burburiyeen mid ka mid ah kolonyada Amisom oo maraayay duleedka Muqdisho..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:00 AM and have 0 comments