Sideen U Doorta Gabadh Wanaagsan Maxaanse Ku Doorta..?

Sideen U Doorta Gabadh Wanaagsan Maxaanse Ku Doorta..?


ADVERTISEMENTS
Gabadha dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
Midna magaca qoyskay gashey guur ku mudataaye
Midna gunudda ay haysatuu kaa galaa damace
Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
Geelow (magaca qofka lala hadlayo) si gaara u ogaw tan u gadaaleysa”
Tuducyadan gabayga ah ee aan kor ku xusay, waxey tilmaamayaan ama micnaynayaan xadiiskii nabiga (csw) uu kula dardaarmayey dhallinta guurdoonka ah. Waxey tilmaameysaa inuu wiilku ahmiyaddiisa 1aad ka dhigo siduu u heli lahaa gabadh diin leh.
Quruxda: Quruxdu waa wax aan waligeed taagnaaneynin, oo waa wax tagaya. Waxaa kaloo la yiraahdaa quruxdu dhalaalka kore ma’aha ee waa midda qalbiga gabadha uu alle ku abuuray (Dhaqan wanaageeda, dabeecad wanaageeda, xaqdhowrkeeda, dhago nugeylkeeda (iwm).
Maalka: Maalku waa wax la heli karo lana waayi karo “abaar iyo barwaaqaa is xiga laba ayaamoode, alllaylkiina waxaan joogin baa iman dharaartiiye”.
Nasabka: waxaa laga yabaa gabadhaad nasabka ku guursatay, in la helo mid kaloo kasii nasab iyo mansab wanaagsan, laakiin waxa kaliya ee haraya)ee aan dhammaaneynin waa qodobkan soo socda ee meel ku gunud.
> Diin ku dooro: Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa siday u gudan lahayd xaqa uu ninkeedu ku leeyahay, siday u dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta toosan. Run ahaantii nin nasiib leh ayaa hela gabadh diin leh. Gabadha diinta leh waa furaha nolosha. Waa qof adduunyadaada iyo aakhiradaadaba kuugu kaalmeyneysa wanaaga. Lammaanahaaga ha ku qiimeyn qurux keliya, ha ku xulan xoolo keliya, ha ku raacin reer keliya, ee ku dooro diin. Hadduu Ilaahay ku siiyo gabadh diinna leh, quruxna leh waa mahad Alle, haddii aad hesho gabadh diinna leh, xoolana leh waa mahad Alle, haddii aad hesho gabadh diinna leh, reer magac lehna ka dhalatay waa mahad Alle, laakiin diintu hakuu noqoto shuruudahaaga midda ugu horreysa ee aad wax ku doorato, kedibna wuxuu Ilaahay kuu raaciyo diin wanaageeda oo nasab, maal, iyo qurux ahna, ay kuu tahay nimco dheeraad ah. Gabadh diin leh marka hore raadi, iyadaa laga helaa nolosha raaxadeeda. Xadiis uu Abdullaahi ibn Cumar Ibn Caas warinayo buu nabiga (csw) ku leeyahay;
“الدنيا متاع وخير متاعها المرأة الصاfr,.
(Adduunyadu waa dhaldhalaal iyo raaxeysi yar, dhaldhlaalka iyo raaxaysigaa yarna waxaa ugu kheyr badan haweeney saalixad ah oo wanaagsan)
Shaacirkii wiilka guurdoonka ah la talinayayna waa tuu lahaa;
“Haddaad dooni guri raaxaloo aan dhib kugu gaarin
Iyo guur wanaagiisa iyo gogol macaankeeda
Iyo gibil asturan oon rag kale gaarin aragiisu
Iyo hadalka oo gaabanoon dariska gaareynin
Iyo guud wixii aad fartaba gabar addeeceysa
Oon dibadda gaareyninoo joogi gurigeeda
Oo goorti aad fiirisaba garan muraadkaaga
oo gacan ku siinee haddii dhibi ku soo gaaro
Oo guulahey kaaga barin in uu ku guuleeyo
Oo goor walbaba raali ku ah guulle wuxuu keeno
Oo aan ganbiyo kala jecleyn gini midkaad siiso
Oon biilkii wuu go’ay laheyn amase wuu gaabtay
Oo guriga gole diin ka dhigi gebi ahaantiisa
Ku gardaadin guud ubadka oo diinta garansiini
Geellow waxaa laga helaa gabar taqaan diine
Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah;
> AKHLAAQ IYO DHAQAN WANAAG KU DOORO: Waxaan joognaa xilli dhaqankii wanaagsanaa uu sii gabaabsi yahay, xili akhlaaqdii suubaneyd ay god madow
kusii aroorayso, xilli xishoodkii iyo xayadii lakala dhaqaaqay. Waa lagama maarmaan inaad akhlaaqda iyo dhaqankeeda ka eegto gabadhaad guursaneyso. Umaduhu waxay ku dhisanyihiin akhlaaq iyo qiyam, haddey akhlaaq iyo beelaan qiyam way burburaan, Xadiis uu warinayo Abu Saciid Al Khudriy oo uu ka warinayo Nabigu CSW wuxuu inoo tilmaamayaa;
“أكمل المؤمنين إيمانًا أحسنهم أخلاقًا”
(Dadka Mu’miniinta ah waxaa ugu iimaan dhameystiran, kooda ugu akhlaaqda wanaagsan)
Mar kale wuxuu nabigu leeyahay SCW,.,
“إِنَّ النَّاسَ لَمْ يُعْطَوْا شَيْئًا خَيْرًا مِنْ خُلُقٍ حَسَنٍ”
(Dadka lama siin oo looma hibeyn wax ka wanaagsan oo ka kheyr badan akhlaaqda wanaagsan)
Haddaad dooneyso gabar kheyr badan oo aad ku indho qabowsato, akhlaaq wanaag ku dooro. Haddey gabari akhlaaq beesho yeysan gurigaaga soo gelin.
> DABEECAD WANAAG KU DOORO: Dabeecaddu waa muhiim. Waa muhiim ineey labada qofi isku dabeecad yihiin, dad is fahmaya oo nolosha isku si u arkaya yihiin. Dabeecaddu waa qeyb ka mid ah is fahanka, labada qof. Haddey labada qof is dabeecad fahmaan waxaa hubaal ah ineey nolosha inteeda kalena isku fahmayaan, haddiise labada qof dad is dabeecad fahmaya eysan aheyn waxaa hubaal ah inuu gurigaa ku dambeynayo burbur iyo kala haad. bulshodoon.com markasta iyo meelkasta ku xidhnow waxbadan baad ogaane



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Sideen U Doorta Gabadh Wanaagsan Maxaanse Ku Doorta..?
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-19T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sideen U Doorta Gabadh Wanaagsan Maxaanse Ku Doorta..?



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:00 AM and have 0 comments