Sicirka shidaalka dunida oo laga arrinsanayo

Sicirka shidaalka dunida oo laga arrinsanayo


ADVERTISEMENTS
Shirweyne ay isugu yimaadeen wadammada soo saara shidaalka oo ay kaga wadahadlayaan suuragalnimada in la xadido wax soo saarka shidaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu wajahay dhibaato la xiriirta kala duwanaanshaha u dhaxeeya Sucuudi Carabiya iyo Iiraan.
Suudiga, Ruushka iyo dalal kale ayaa waxa ay rajaynayaan xadidaad lagu sameeyo heerka wax soo saarka ay sare u qaadi doonto sicirka saliidda, kaasi oo aad hoos ugu dhacay tan iyo bartamihii 2014.
Si kastaba ha ahaatee Iiraan ayaanan doonayn in ay ogolaato in hoos loo dhigo wax soo saarka saliidda qayriin, mana ka qeyb galayaanba shirka ka soconaya dalka Qadhar.
Taasi ayaa lagu soo warramayaa in ay carqaladaynayso horumar laga gaaro wadaxaajoodyada.
Madaxda dalalka soo saara shidaalka ayaa waxa ay ku howlan yihiin sidii sicirka saliidda qayriin ee aadka hoos ugu sii dhacaya wax looga qaban lahaa.
Fuustada saliidda qayriin ayaa waxaa haatan lagu kala iibsadaa wax ka yar kala bar qiimihii ay aheyd bartamihii 2014.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Sicirka shidaalka dunida oo laga arrinsanayo
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-19T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sicirka shidaalka dunida oo laga arrinsanayo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:00 AM and have 0 comments