Qiso Yaab Leh Gabar Aan Ninkeeda Lix Sano La Seexanin Sariirta Sababtaan Cajiibka Ah Awgeed.

Qiso Yaab Leh Gabar Aan Ninkeeda Lix Sano La Seexanin Sariirta Sababtaan Cajiibka Ah Awgeed.


ADVERTISEMENTS
Gabadh kamida dumarka diinta bartay isla markaana faafiya aya waxa ay bilawday inay jeediso maxaadro ay ku qabanaysay mid kamid ah maraakista magaalada, muxaadiradan ayaa ka hadlaysay ajarka ay leedahay sadaqadu.

Markii maxaadiradii ay dhamaatay ayaa sheekhadii istaagtay markaasay ka dalbatay in dumarkii goobta iskugu yimid ay sadaqo hor Allah ula baxaan, laguna caawiyo dadka danyarta ah ee ku noolaa xaafadani.

Sida ay ku waramayso sheekhadu ayaa waxay tidhi waxaa ii timid mid kamid ah dumarkii muxaadarada soo xaadiray, markaasaa waxa ay ii dhiibtay Takham dahab ah oo ay xidhnayd, waxaanay tidhi aad ayuu qaali iigu yahay oo qof agtayda ku qaali ah ayaa isiiyay isla markaana waxa ka buuxa dheeman culayskiisana waad u jeedaa.

Waxa aan ku idhi may ma qaadanayo kane iga daa, markaas ayaa ay ku adkaysatay go’aankeedii waanay diiday inaan usoo celiyo, iyada oo leh: Inkaste oo uu agtayda qaali ku yahay hadana inaan dar Allah u sadaqadaysto marnaba kala bakhayli maayo.

Kadib ayaa sheekhadii qaaday takhamkii, waxaanay u gaysay dahable kuyaalay suuqa si ay lacag uga soo dhigto kadibna ugu wareejiso dadka danyarta ah ee xaafada kula noolaa, ninkii dahablaha hayay ayaa ku yidhi: intaanaynu miisaamin waa inaynu ka gurnaa dheemanta si aynu iyana gaar ugu miisaanno.

Hadaba makrii uu ka dhameeyay dheemantii ku taxnayd ayaa waxa uu ugu tagay gadadkii ay ku jirtay dheemantu timo iyo cidiyo.

Sheekhadii intay qaaday cidiyihii iyo timihii iyo waliba lacagtii ayay maalintii ku xigtayba qabatay muxaadaro isla goobtii lagu dhigayay, kadib markii ay dhamaysay maxaadaradii ayaa ay u yeedhay gabadhii maalinki hore la baxday sadaqada takhamka dahabka ah, waxaanay waydiisay timaha iyo cidiyaha ay ugu tagtay meesha.

Gabadhii ayaa waxa ay ku jawaabtay: Ninkayga sariir lama seexan muddo 6 sanno ah,, markaan sadaqada la baxayna waxa ay noloshaydu ku noqotay sidii hore, oo ninkaygii iyo caruurtaydii ayaan markii ugu horaysay 6 sanno miis ku wada cashaynay, waanaan la seexday saygaygii sidii aan ahay aroosad cusub, takhamkanna waxa hadyad ii siisay saaxiibbadaan leeyahay ta ugu qaalisan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Qiso Yaab Leh Gabar Aan Ninkeeda Lix Sano La Seexanin Sariirta Sababtaan Cajiibka Ah Awgeed.
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-25T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qiso Yaab Leh Gabar Aan Ninkeeda Lix Sano La Seexanin Sariirta Sababtaan Cajiibka Ah Awgeed.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments