DAAWO SAWIRADA: Beesha Gaaljecel oo maanta ku biirtay shirka dib u heshisiinta ee ka socda Baladweyne

DAAWO SAWIRADA: Beesha Gaaljecel oo maanta ku biirtay shirka dib u heshisiinta ee ka socda Baladweyne


ADVERTISEMENTS
Shirka dib u heshisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan oo malmahan ka socda Magaalada Baladweyne ee caasimada Gobolka Hiiraan ayaa  waxaa maanta ku soo biiray  beesha  Gaaljecel oo ka mid ah  beellaha dega gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Waxgaradka maanta ku soo biiray shirka dib u heshisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan ee ka soo jeeda beesha Galjecel ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay ku soo bireen shirka maadaam shirkan uu yahay mid lagu nabadeynayo beellaha dega gobolka Hiiraan.

Nabadoon Barre xuseen ibraahim oo ka mid ah Nabadoonada maanta ku soo biiray shirka dib u heshisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan oo ka socda Magalaada Baladweyne ayaa  sheegay in  maanta ay si rasmi ah  ay ugu soo bireen hadii ay yihiin beesha Galjecel  islamarkana ay kaalintooda ka qaadan doonaan shirka isago sheegay in shirkan uu yahay mid dib u heshisiin.

Waxgaradka kale ee maanta ku soo biiray ayaa dhamaantood ugu baaqay in dadka reer Hiiraan ay ka qeyb qaaatan shirkan dib u heshisiinta ee ka socda Magaalada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

Magalaada Baladweyne ayaa waxaa ka socda shirka dib u heshisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan kaaso galay maalintii Sagalaad. Waxaan ka qeyb galay dhamaan beellaha dega gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.





ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: DAAWO SAWIRADA: Beesha Gaaljecel oo maanta ku biirtay shirka dib u heshisiinta ee ka socda Baladweyne
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-11T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DAAWO SAWIRADA: Beesha Gaaljecel oo maanta ku biirtay shirka dib u heshisiinta ee ka socda Baladweyne



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:00 PM and have 0 comments