Xaakim taageeray shirkadda Apple

Xaakim taageeray shirkadda Apple


ADVERTISEMENTS
Xaakim Maraykan ah ayaa go’aamiyay in shirkadda Apple aan lagu qasbi karin in ay laanta sirdoonka ee FBI ay u furto taleefan xiran oo Iphone ah kaas oo sababay is qabqabsi dhanka sharciga ah.
Xaakimka oo ku sugan Brooklyn ayaa diiday dalab ay soo jeedisay waaxda cadaaladda ee Maraykanka, kaas oo ku amrayay in shirkadda Apple ay furto taleefan xiriir la leh daroogo.
Arrin tan ka duwanna FBI-du waxay doonayaan in loo furo Taleefan Iphone ah oo uu isticmaalayay Sayid Ridwaan (Syed Rizwan Farook) kaas oo 14 ruux ku dilay San Bernardino oo California ka tirsan bishii 12-naad ee sanadkii hore.
Laakiin shirkadda Apple ayaa ku adkaysatay in dalabkaasi uu yahay mid halis ah oo aan la qiyaasi Karin.
Go’aanka maxkamadda ee Brooklyn ka soo baxay Isniintii wuxuu muhiim u yahay San Bernardino marka dhinacyada qaar laga fiiriyo.
Wariyaha BBC ugu soo warama waqooyiga Ameerika ee dhanka Tiknoolajiyadda wuxuu leeyahay labada kiis wax xiriir ah malaha, xaakimka Brooklyn ma aha in uu ahmiyad siiyo xukunka iyo waxa ka soo baxa xaakimka New York.
Laakin Apple ayaa dareemaysa in go’aankan uu xoojinayo aragtidoodii ahayd in aan xaq loogu lahayn in lagu qasbo furitaanka taleedanada ay sameeyaan ee lagu thunsanyahay in ay ku jiraan cadaymo iyo macluumaad wax tar u leh laamaha ammaanka.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Xaakim taageeray shirkadda Apple
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-02T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Xaakim taageeray shirkadda Apple



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:00 AM and have 0 comments