Sirta Guurka: Ma Dooneeysaa Inaad Ku Guuleysato Jaceylka Guurkaaga Koowaad Hadab Raac Qodobadaan

Sirta Guurka: Ma Dooneeysaa Inaad Ku Guuleysato Jaceylka Guurkaaga Koowaad Hadab Raac Qodobadaan


ADVERTISEMENTS
Waayahaan danbe waxaad moodaa in dhalinta aay ka qarsoontahay sirta guurka, guurkii oo fududaaday ayaa wuxuu sababay in furiinka soo degdego, degdegii furiinka ayaa wuxuu sii sababay in dhalinta dhamaantood aay kala aamin baxaan, qofka guurkiisa ugu horeeyo markuu ku guul dareysto, waxey u noqotaa waayo aragnimo dheeri ah, iyo inuu ka aamin baxo macnaha jaceylka.LKN WAAD GUULAYSAN KARTAA



Qormadaan waxaan kusoo qaadan doonaa dhowr qodob oo aan doonayo in guurka lagu adkeeyo si guurka koowaad qofka ugu guuleysto, hadii jaceylka lamaanahaada aad u qabto uusan dhab kaa aheyn qodobadaan ha isku daalin maba kazoo bixi kartid.

Qodobka koowaad, ha iloobin in aad isku baraarujisaan arimaha diinta, waxaa jiro aabo qoyskiisa usoo iibinayo heesihii ugu danbeeyay, Aflaantii ugu danbeeysay iyo bandhig faneedyo qoyska marin habaabin karo, waa dhif iyo nadir aabo qoyskiisa usoo iibinayo muxaaadarooyinkii u danbeeyay, noqo mid qoyskiisa diinta ku abaabiyo waayo diinta ayey ku jirtaa macaanida iyo sirta qoyskaba.

Qodobka Labaad, Isla Jebiya saxanka cuntada, noqda lamaane hal weel wax kuwada cuno, isku day in aad mararka qaar ubadkaaga oo idiin la cunayo cuntada, koow aad asaga afka u geliso kadibna aad lamaaanahaada cuntada afka gacantaada ugu geliso, waayo cuntadaasi caloosha toos uma aado waxeey si toos ah u abaartaa qalbiga la jirahaaga.

Qodobka sadaxaad, isku day in aad lamaanahaada la qeybsato murugo iyo farxad kasto oo soo wajahdo nafsadaada, waayo sirta qarsoon ee aad isku sheegataan waxey xoojisaa xiriirka iyo kalsoonida idiinka dhaxeyso.

Qodobka Afaraad, lamaanahaada ka dhigo saaxiibkaa, walaalkaaa, iyo jaceylkaaga, waayo saaxiibkaa sirtiisa kaama qarsado, walaalkaa waxaad ka heshaa xushmad, jaceylkaagana waxaad ka heshaa wax walbo oo aad u baahato, marka isku day dhamaan inaad kulansato si aad gunta qoyska usoo taabato.

Qodobka shanaad, isku day lamaanahaada inaad u sameysato erayo qaas ah oo aad isku fahantaan, qaasatan usameey magac gaar ah oo aad ugu yeerto mar weliba naaneys ahaan, magacaasina ha noqdo magac ka turjumayo kalgaceyl ama kaftan.

Akhristayaasha gaaloos.com Shantaas qodob ayaan kusoo koobayaa qormadiii aan ugu magic daray Sirta Qoyska, waxaan filayaa in ramadaan ayaa fooda nagu soo haayo, waxaa inoo diyaarsan barnaamijyo diini ah aad u faro badan, Qisooyin diini ah oo iskugu jiro jaceyl iyo ku cibro qaadasho, waxaa kaloo inoo diyaarsan taariikhda saxaabada illaa 30 saxaabi iyo weliba arimo kale oo diini ah oo aad u faro badan insha allaaah.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Sirta Guurka: Ma Dooneeysaa Inaad Ku Guuleysato Jaceylka Guurkaaga Koowaad Hadab Raac Qodobadaan
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-31T05:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sirta Guurka: Ma Dooneeysaa Inaad Ku Guuleysato Jaceylka Guurkaaga Koowaad Hadab Raac Qodobadaan



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:30 AM and have 0 comments