Sirculus: Magacyadda iyo qabiiladda Saraakiisha horkaceysa Xoogaga Daacish ee qabsaday Garacad&Kulub

Sirculus: Magacyadda iyo qabiiladda Saraakiisha horkaceysa Xoogaga Daacish ee qabsaday Garacad&Kulub


ADVERTISEMENTS
Baaris Warbaahinta ku sameeysay ayey ku xaqiijisay iney Maleeshiyaadka Daacish hub kala degayeen degaanka Garacad ,waxaana argagixisadda ka degay degaanadaas horkacaya Saraakiil caana oo u dhashay beesha Daarood kuwaas oo kala ah.

1:- Jaamac Cabdi Salaan (Majeerteen, Cumar Maxamuud), waa ninka ugu da’da weyn, waana ninkii u qaabilsanaa Maxaakimtii Islaamka deegaanada Puntland, waxa uuna ka tirsanaan jiray ururkii bur-buray ee Al-Itixaad Al- Islaami ee dagaalada ka galay Puntland sanadkii 1992.

2:- Cadowyo Qowtalax (Majeerteen, Cumar Maxamuud).

3:- Saacid Kaaratee (Majeerteen, Ciise Maxamuud).

4:- Xasan Takar (Daarood, Leelkase). Ninkani waa nin qurbaha ka yimid, waxaana jiray wiil uu isagu dhalay oo ka tirsanaa argagixisada Alshabab oo Dowladda Puntland toogatay waqtigii dowladii C/Raxmaan Faroole, ka dib markii uu ka qeyb qaatay dilkii lagu dilay Sheekh C/Qaadir Gacamey. Xasan Takar waxa uu ka tirsanaan jiray ururkii Al-Itixaad Al-Islaami, waxa uuna ka soo baxay Jaamacada Madiina Al-Munwara ee Sucuudiga. Waxa uu ka mid yahay ragga u fatwooda kooxda argagixisada khawaarijta Alshabab.

5:-Fuad Mohamed Khalaf {Ina Shongole} oo horey uga tirsanaan jiray Saraakiisha sare ee Al-Shabaab hadana ku biiray Daacish.

HALKAAN KA DHAGEYSO



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Sirculus: Magacyadda iyo qabiiladda Saraakiisha horkaceysa Xoogaga Daacish ee qabsaday Garacad&Kulub
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-17T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sirculus: Magacyadda iyo qabiiladda Saraakiisha horkaceysa Xoogaga Daacish ee qabsaday Garacad&Kulub



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:00 AM and have 0 comments