Qarax Gaari Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Berlin Ee Dalka...

Qarax Gaari Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Berlin Ee Dalka...


ADVERTISEMENTS
Qarax xoogan, ayaa wuxuu maanta ka dhacay Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, ka dib markii qaraxaasi uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, isla-markaana uu hal nin la socday.

Gaariga oo maraayay Waqooyiga Berlin, kuna soo wajahnaa Bartamaha Magaalada, ayaa waxaa la sheegay in markeliya uu qarxay, isla-markaana uu ku dhintay ninkii la socday.

Booliska Magaalada Berlin, ayaa waxay sheegeen inaysan jirin cid kale oo waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxaasi, marka laga soo taggo ninkii gaariga watay oo ku dhintay.

Hay’adaha amniga oo tagey goobtii uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxay ka wadaan baaritaano ku aadan qaraxaasi, waxaana jirin cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Dalalka Yurub, ayaa billihii ugu dambeeyay ku jiray marxalad feejignaan ah, tan iyo markii ay dhaceen weeraradii ruxay Magaalada Paris ee Caasimadda Faransiiska.






ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Qarax Gaari Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Berlin Ee Dalka...
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-16T21:26:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qarax Gaari Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Berlin Ee Dalka...



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:26 PM and have 0 comments