Maxaa kala Qabsaday Hillary Clinton iyo Gabar Soomaali ah oo Su’aal adag weydiisay [Daawo]

Maxaa kala Qabsaday Hillary Clinton iyo Gabar Soomaali ah oo Su’aal adag weydiisay [Daawo]


ADVERTISEMENTS
Xili uu meel adag marayo tartanka u dhaxeeya murashaxiinta Madaxweynaha Maraykanka ayaa Hillary Clinton oo ah murashaxada hogaaminaysa xisbiga Dimuquraadiga ay si kadis ah ugu kulmeen goob makhaayad ah gabar Soomaali ah oo uga naxsatay su’aal ay si weyn u dhibsatay.

Gabadhan Soomaalida ah ayaa su’aasha ay weydiisay la xariirta Hillary Clinton inay sheegto waxa ay u qabatay dadka Madow, iyadoona soo qaadatay sharcigii la dagaalanka burcada Maraykanka ee uu hirgeliyey saygeeda Bill Clinton oo ah mid dhaawac weyn u geystay dhalinta Madow ee dalka Maraykanka oo ah kuwa ugu badan ee xabsiyada Maraykanka ku jira.

Hillary Clinton oo xiligan olole ugu jirta helida cododka Dadka madow ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay su’aalo adag kala kulmeysa dadka madow oo dhaliilaya in taariikhdeeda Siyaasadeed ee hore aysan waxna usoo qaban shacabka Madow, isla markaana ayba horseed u ahayd siyaasiyiintii u ololeyn jiray sharuuc badan oo dhaawac u geystay dadka madow.

Gabadha Soomaalida ah oo sheegtay in Soomaalida ay kamid yihiin dadka Madow ee Maraykanka ee dhibaatada baaxadaleh kala kulma ciidamada Booliiska waxa uga qorsheysan Hillary Clinton.

Mrs.Clinton ayaa sheegtay inay taageero badan ka heysato dadka Madow iyo waliba Soomaalida ayaa sheegtay inay wax badan u qaban doonto dadkaasi, iyadoona ku faantay in ay taageero ka heysato Xildhibaanka Soomaaliyeed ee ku jira golaha deegaanka ee Minneapolis. Balse gabadhaasi ayaa beenisay in Hillary Clinton wax taageero ah ka heysato dadka madow iyo waliba Soomaalida.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Maxaa kala Qabsaday Hillary Clinton iyo Gabar Soomaali ah oo Su’aal adag weydiisay [Daawo]
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-03T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Maxaa kala Qabsaday Hillary Clinton iyo Gabar Soomaali ah oo Su’aal adag weydiisay [Daawo]



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments