Kuuriyada Waqooyi oo xukun adag ku riday Arday Maraykan ah iyo Dowlada Maraykanka oo cambaareysay – Video

Kuuriyada Waqooyi oo xukun adag ku riday Arday Maraykan ah iyo Dowlada Maraykanka oo cambaareysay – Video


ADVERTISEMENTS
Maxkamada Militariga Kuuriyada Waqooyi ayaa Arbacadii shalay xukun ah 15 sano xabsi militari ah ku riday ninkan lagu magacaabo Otto Warmbier oo 21 sano jir u dhashay dalka Maraykanka.

Ardaygan oo dalxiis u tagay dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa xabsiga la dhigay bishii Janaayo kadib markii lagu eedeeyey inuu hotelkii uu degenaa ka xaday Waraaqo Darbiga ku dhegenaa oo lagu amaanayey dowlada Kuuriyada Waqooyi, falkan oo ay dowladaasi ku sheegtay mid lid ku aha Qarankooda. Otto Warmbier ayaa shalay markii 2aad lasoo hortaagay saxaafada isagoo ka codsaday Maxkamada in la cafiyo.



Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa xukunkan ku tilmaamtay mid waxashnimo ah, isla markaana ugu baaqday dowladaasi in arrimo bini´aadamnimo lagu siidaayo muwaadinkaasi.

Xukunkan ayaa lagu soo beegay xili ay xiisada ka dhex taagan tahay Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo todobaadkii tagay dhowr hanjabaad kasoo saartay dhaq dhaqaaqa militari oo uu Maraykanka ka wado dhinaca Kuuriyada Koonfureed.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Kuuriyada Waqooyi oo xukun adag ku riday Arday Maraykan ah iyo Dowlada Maraykanka oo cambaareysay – Video
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-19T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Kuuriyada Waqooyi oo xukun adag ku riday Arday Maraykan ah iyo Dowlada Maraykanka oo cambaareysay – Video



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments