Gabar Codsi “Waxaan ahay Qof ku Dhiban Dooqa iyo Damca, Arin Murugo lehna Wey iheysata”

Gabar Codsi “Waxaan ahay Qof ku Dhiban Dooqa iyo Damca, Arin Murugo lehna Wey iheysata”


ADVERTISEMENTS
Qof dumar ah oo ka mid ah aqristayaasha ku xiran boggan ayaa inoo soo dirtay fariin qoraaleed ay ku dalbaneysay talada aqristayaasha, waxa ayna inoo soo dirtay fariin qoraaleed u dhignaa sidan:
Ugu horeyn waxaan u mahad celinayaa bahda webka  Heegan24.net kuwaasoo ii suura geliyay in aan soo gudbiyo dareenkeyga gaarka ah iyo qiso nolosheyda quseysa taasoo aan ila iyo haatan u weysanahay xal iguna abuurtay wareer fara badan.
Qisadana ayaana ah in aan ku dhex jiro arin qalbigeyga murugo ku reebtaytaasoo ah in aan jeclahay mudo 4 sano ku dhawaad ah wiil ay dhashay habaryarteey, dhowr mar ayuu iga soo doontay aabahey, balse aabe ayaa ku gacan seyray waxa uuna mar walba igu yiraahdaa wiilkaan kuguma haboona kuumana qalmo, In badan waan dulqaatay waana aqbalay talada waalidkey oo waa la baajiyay arinkii soo doonashada balse anigu kama rajo dhigin in aan wiilkaas xaaskiisa noqdo oo aan mar uun nolol wadaagno waxa aana marwalab ku dadaali jiray in aan aabahey ku qanciyo siduuu ku aqbali lahaa wiilkaas.

Balse nasiib darro sinaba waan uga dhaadhicin waayay aabahey in uu arinkaas aqbalo taasoo igu abuurtay murugo jaceyl iyo in aanan nasiib u laheyn helista jaceylkeyga, Laakiinse arinka ugu yaabka badan ayaa ah in mardhow uu aabahey iisoo bandhigay in aan guursado wiil ay aqoon fiican isu leeyihiin kaasoo ah ganacsade xoogaa maal leh waxa uu aabe igu yiraahdaa marwalba gabadheydiyeey wiilkani waa qofku kaliya ee kugu haboon waana qofka kaliya ee noloshaada damaanad qaadi karo, mana dareemi doontid dhib iyo rafaad nolol sare oo raaxo leh ayaadna geli doontaa ee wiilkaan ayaan ku siinayaa gabadheydi.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Gabar Codsi “Waxaan ahay Qof ku Dhiban Dooqa iyo Damca, Arin Murugo lehna Wey iheysata”
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-03T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Gabar Codsi “Waxaan ahay Qof ku Dhiban Dooqa iyo Damca, Arin Murugo lehna Wey iheysata”



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:30 PM and have 0 comments