Duuliye Sacuudi ah oo wadnaha istaagay xili uu dhulka u jiray 34,000ft: Sawirro

Duuliye Sacuudi ah oo wadnaha istaagay xili uu dhulka u jiray 34,000ft: Sawirro


ADVERTISEMENTS
Duuliye u dhashay Sacuudi Carabiya ayaa dhintay xili uu ku guda jiray duulimaad u dhaxeeyay magaalooyinka Bisha iyo Riyadh isniintii lasoo dhaafay, kadib markii uu wadnaha istaagay.

Waleed Al-Mohammad oo ah duuliyaha dhintay xili diyaarada dhulka u jartay cabir dhan 34,000ft ayuu wadnaha istaagay, waxaana si degan howshii ula wareegay caawiyihiisa Rami Ben Chaz oo diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa oo dhamaa 220 qof si nabad ah kusoo dejiyay garoonka King Khaled International Airport.

Dadkii diyaaradda saarnaa ayaa ka war qabin amarka deg dega ee ku yimid duuliyihii diyaaradda, waxaana dadkii laga ilaaliyay welwel iyo naxdin, iyagoona ogaaday markii ay diyaaradda degtay.

Saleh Bin Nasser Al-Jasser oo ah madaxa shirkadda Saudi Arabian Airlines ayaa u mahad celiyay caawiyaha pilot, Rami Ben Ghaz tallaabada uu qaaday ee mas’uuliyada ku dhisan iyo sidii uu dadka u badbaadiyay. 





ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Duuliye Sacuudi ah oo wadnaha istaagay xili uu dhulka u jiray 34,000ft: Sawirro
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-04T23:33:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Duuliye Sacuudi ah oo wadnaha istaagay xili uu dhulka u jiray 34,000ft: Sawirro



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:33 PM and have 0 comments