Daawo Madaxweynaha Soomaaliya oo ku doodaya in Boko Xaram lagu tababaro Gudaha dalka Soomaaliya [Video]

Daawo Madaxweynaha Soomaaliya oo ku doodaya in Boko Xaram lagu tababaro Gudaha dalka Soomaaliya [Video]


ADVERTISEMENTS
Telefishinka TRT ayaa xalay shaaciyey Wareysi gaar ah oo ay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud kala yeesheen xaalada amniga ee dalka Soomaaliya ayuu ku sheegay in kooxda Boko Xaraam ee dalka Nigeria ay ku sugan tahay gudaha Soomaaliya isla markaana ay kooxdaasi tababaro ka hesho kooxda Al Shabaab ee saldhigeedu yahay dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in kooxda Al shabaab ay tababaro siiso kooxo badan oo xagjir ah oo ay ku jirto Kooxda Boko Xaram, wuxuuna sheegay in markii uu xilka qabanayey ay kooxda Al Shabaab goob walba weerarayeen xataa Madaxtooyada, isagoona sheegay inay hada wax badan ka qabteen xaalada amni.

Wuxuu sidoo kale ka jawaabay su’aal la xariirtay sababta ay weerarada ugu badan ay uga dhacaan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in deegaanada kale sida Puntland iyo Somaliland ay horey uga jireen maamulo amniga sugaya, balse Al Shabaab ay ka faa’iideysatay Fowdadii ka jirtay Koonfurta Soomaaliya.

Hoos ka daawo Wareysiga Madaxweynaha



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Daawo Madaxweynaha Soomaaliya oo ku doodaya in Boko Xaram lagu tababaro Gudaha dalka Soomaaliya [Video]
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-03T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Daawo Madaxweynaha Soomaaliya oo ku doodaya in Boko Xaram lagu tababaro Gudaha dalka Soomaaliya [Video]



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:30 PM and have 0 comments