Caloosha maku dil dilaacdaa Iyo Dabada -Akhriso waa kuu muhiim

Caloosha maku dil dilaacdaa Iyo Dabada -Akhriso waa kuu muhiim


ADVERTISEMENTS
Jeexjeexa ama liidmaha aad tilmaantay waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa “Strech marks”, waa baro tilmaan u ah in maqaarka uu kaal tagay hadda ka hor, kadibna isku soo laabtay, waxaana la dareemaa markuu qofka caatoobo ama hooyadu markay dhasho.
Cayilka iyo uurka iyo korriinta degdegga ah xilliga qaangaarku waa sadaxda ugu caansan ee keeno arrintaan.

Ilaahay wuxuu siiyay maqaarka wood jiidmasho “elasticity”, laakiin jiidankaas wuxuu leeyahay xad, hadduu dhaafo xadkaas, maqaarku wuu kala tagaa, waa sida marada oo kale haddii aad safiican u kala jiidin, duntu way kala sikataa oo meeshii kala sikatane maqaarka wuu ka dhex muuqdaa.

Waxaa barahaan lagu arkaa caloosha, dhabarka qeybta hoose, bowdyaha, naasaha iyo gacmahada qeybtooda kore.

Liidmahaan ama diilmahaan marka ay billaabanayso waxay leedahay midab gaduudan, kadib waxay isku badasha midab madaw, kadibne midab caddaan ahaan.

Haddii diidiilmaha ay yihiin kuwa billaw ah oo midabkoodu weli gaduud yahay, waxaa lagu caawin karaa kareemyo la mariyo kuwaasoo maqaarka inuu dib isugu soo laabto keeni karo, waxaa kareemyadaas ugu caansan kuwo loo yaqaano Retinoid creams.

Haddii diidiilmaha ay raageen ama midabkoodu uu caddaan yaahy, waxaa lagu baab’in karaa qalliin laser ah, kan oo midabka baab’in karo.

Diidiilmahaan ma ahan wax dhibaato caafimaad qofka u keeni karo, dadka qaarne iyagoo wax daawo ah isticmaalin ayay iska baaba’daa.

MUUQAALKAN HOOSE DAAWO:



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Caloosha maku dil dilaacdaa Iyo Dabada -Akhriso waa kuu muhiim
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-02T19:07:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Caloosha maku dil dilaacdaa Iyo Dabada -Akhriso waa kuu muhiim



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 7:07 PM and have 0 comments