Alshabaabkii ku duulay P/L oo qabsaday dhul istaraatiiji ah iyo Sarkaal..

Alshabaabkii ku duulay P/L oo qabsaday dhul istaraatiiji ah iyo Sarkaal..


ADVERTISEMENTS
Waxaa soo baxaya Warar ku saabsan sababta al shabaabka ku duulay Puntland ay doorteyn in ay galaan deegaano dhanka xeebta ah oo ka tirsan gobalada bari, Nugaal, iyo Mudug oo ka tirsan deegaanada ay maamusho Puntland

Col Cabdinuur Jaamac Jookar oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamadii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in deegaanada ka tirsan Nugaal ee Al Shabaab ay ka dagaalamayaan ay yihin kuwo istiraatiiji ah , haddii ay ku fidaana ay adkaan doonto in laga saaro halkaas.

Sidoo kale Korneelka ayaa ka digay in ay gacan ka helaan Al Qaacidada ka dagaalanta dalka Yemen sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Dagaalamayaal Hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab waxa ay ku sii qul qulayeen deegaanada maamulka Puntland iyadoona dagaal shalay ka dhacay deegaanka Suuj ee Gobolka Nugaal ay ku dhinteen illaa 10 qof.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Alshabaabkii ku duulay P/L oo qabsaday dhul istaraatiiji ah iyo Sarkaal..
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-17T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Alshabaabkii ku duulay P/L oo qabsaday dhul istaraatiiji ah iyo Sarkaal..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:00 PM and have 0 comments