Al-Shabaab oo dagaal la’aan kula wareegtay degmo ka tirsan Puntland

Al-Shabaab oo dagaal la’aan kula wareegtay degmo ka tirsan Puntland


ADVERTISEMENTS
Xoogag daabacsan ururka Al-Shabaab ayaa gelinkii danbe ee maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Garacad ee gobolka Mudug.

Ilaa boqol dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa dagaal la’aan kula wareegay magaalada xeebta Garacad oo ka tirsan gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, waxayna dagaalyahanadaasi dhinaca xeebta kaga soo galeen doomo.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Xasan Khaliif ayaa sheegay in degmada Garacad gacanta ku hayaan kooxda Shabaab isagoo meesha ka saaray inay jiraan wax iska hor imaad ah oo dhexmaray maamulka degmada iyo Al-Shabaab.

Wuxuu tilmamay inaysan jirin cid dhibaato ilaa hadda loo gaystay, isagoo xusay in xaaladdu dagan tahay marka laga yimaado gacan ku haynta magaaladaasi.

Xasan ayaa cadeeyay inaysan jirin ilaa hadda wax tallaabo ah oo maamulka gobolka Mudug iyo dowlad goboleedka Puntland qaadeen.

Maamlmihii u danbeeyay ayaa waxaa dhaqdhaqaaq milateri ay Al-Shabaab ka waday gobolka Mudug deegaano ka tirsan.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Al-Shabaab oo dagaal la’aan kula wareegtay degmo ka tirsan Puntland
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-16T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Al-Shabaab oo dagaal la’aan kula wareegtay degmo ka tirsan Puntland



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:30 AM and have 0 comments