AFGOOYE OO QARAXYO XOOGANI GILGILAYN HABEYNKII XALAY

AFGOOYE OO QARAXYO XOOGANI GILGILAYN HABEYNKII XALAY


ADVERTISEMENTS
Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxyo iyo duqeymo xalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxyada ayaa waxaa lagu weeraray dhowr xarumood oo looga arrimiyo Degmada Afgooye, halka hoobiyayaasha qaarkoodna ay ku dhacayeen qaar kamid ah Xaafadaha haba ugu batnaaden Xaafadda Xaawo-taako ee Degmadaasi ku taalla.

Qaraxyada iyo Hoobiyayaasha ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 20 ruux oo Shacab ah, halka tirada dhimashana ay gaareyso 8 oo u badan dad shacab ah.

Ciidamada Ammaanka Degmada ayaa Saaka baaritaano ka wada Degmada Afgooye si ay u xaqiijiyaan Ammaanka Degmadaasi.

Maamulka Degmada kama aysan hadal Qaraxyada iyo Hoobiyayaasha, waxaana saakay halkaasi ka socda baaritaan guri guri ah.




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: AFGOOYE OO QARAXYO XOOGANI GILGILAYN HABEYNKII XALAY
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-05T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
AFGOOYE OO QARAXYO XOOGANI GILGILAYN HABEYNKII XALAY



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:00 AM and have 0 comments