Xildhibaano Lagu Bahdilay Garoonka Aadan Cadde & Dastuurka dalka oo lagu tuntay. kastuunta laga siibay

Xildhibaano Lagu Bahdilay Garoonka Aadan Cadde & Dastuurka dalka oo lagu tuntay. kastuunta laga siibay


ADVERTISEMENTS
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bah dilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho xilli ay ka dhoofayeen maalintii shalay ahayd ee Isniinta Garoonka Aden Cadde ee caasimada Muqdisho.

Xildhibaanadan oo u socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa baaritaan culus oo xitaa Kabaha looga bixiyay lagu sameeyay, iyadoo lagu tilmaamay baaritaankii ugu adkaa ee madaxda Soomaalida lagu qaado inta la ogyahay.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn laga xiray qeybta VIP-da oo caadiyan ay ka dhoofi jireen, waxaana la marsiiyay qeybta dadka caadiga ah iyadoo qaarkood oo ku dooday inay madax yihiin oo baaritaan caadi ah ay maraan laga diiday, laguna qasbay inay siibaan Kabaha, Suumanka, iyo wax waliba oo wataan.

Arrintan ayaa ka danbeysay shilkii Diyaaradda Daallo ee ka dhacay ee gudaha garoonka laga maleegay, waxayna arrintan ka careysiisay xildhibaanada oo qaarkood la arkayay iyagoo careysan oo hadallo kulul ku hadlaya. Waxayna sheegeen inay sharci darro tahay waxa lagula kacay.

Dastuurka KMG ah ayaa sharci darro ka dhigaya in xildhibaanka la baaro oogadiisa iyo gurigiisa, waxayna arrinta ka dhacday garoonka Aadan Cadde noqoneysaa xadgudub sharci, inkastoo ay ogolaayeen baaritaanka xaalada jirta awgeed, haddana wixii lagu sameeyay xildhibaanada shalay dhoofay waxay ahayd arrin aan laga aamusi karin sida ay qabaan xildhibaanada oo hadda wada mooshin ka dhan ah Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khubadiisii Baarlamaanka uu ka jeediyay Axadii si hordhac ahaan ah ugu sheegay xildhibaanada inay u hogaansamaan arrimaha amniga iyo baaritaanada garoonka.

HOOS KA AKHRI QODOBKA DASTUURIGA AH EE CADDEYNAYA INAAN XILDHIBAANKA LA BAARI KARIN



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Xildhibaano Lagu Bahdilay Garoonka Aadan Cadde & Dastuurka dalka oo lagu tuntay. kastuunta laga siibay
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-10T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Xildhibaano Lagu Bahdilay Garoonka Aadan Cadde & Dastuurka dalka oo lagu tuntay. kastuunta laga siibay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:00 AM and have 0 comments