Xasan Xanafi ma maxbuus baa mise waa jilaa Filim cabsi ah ! W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi

Xasan Xanafi ma maxbuus baa mise waa jilaa Filim cabsi ah ! W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi


ADVERTISEMENTS
Maanta telefoonkeyga wuxuu noqday mashquul, dad aan muddo is maqal ayaa ila soo hadlay marki ay daawadeen TV-ga Qaranka oo sii daayay barnaamij (Dilaaga Wariyaha). iima suurtagelin in aan daawo TV-ga laakin mar dambe ayaan Youtube ka helay.

Wuxuu ahaa Barnaamij waqti dheer socday oo macluumaad badan xambaarsanaa. ma rabo in aan ka faalloodo nuxurka barnaamijka iyo kalsoonida lagu qabi karo xogta uu bixinayo qof maxbuus ah oo aan la wareysan qareen difaacaya haddii uu jiro.

Anniga waxaa i xiiso gelinayay oo aan dhagta u raaricinayay waxay ahaayeen codadka laga duubay inti uu xorta ahaa kuwaasi oo ah cadeyn loo kaashan karo dacwadiisa.

Inta anniga i quseysay waxay ahayd asxaabta faraha badan ee uu sheegay in uu dilkooda wax ka maleegay. Waxaa i quseeyay meesha uu magaceyga ku xusay iyo in uu jiray amar ka soo baxay Amiirka Al shabab ee ina Godane oo aan kamid ahaa rag uu dil ku xukumay. anniga Al shabab wey ii hanjabeen inti aan Xamar joogay laakin waa wax igu cusub amarka leygu dili lahaa.

Waxaa isku keey qaadan waayay dulmiga intaa la eg ee dadkeena lagu gumaadayo iyo muuqaalka dadka maleegayo ee Xasan Xanafi kamidka ahaa..
Bal wuxuu dhagar maleegay eeg, bal wuxuu godob abuurtay eeg.

Waxaan is weydiiyay waxaad daawaneysaa ma dhabaa mise waa film. waxaan is weydiiyay waxaas oo godob ah inta uu galayay maalin qura naxariis umma galin miyaa dadka uu yaqaano ee uu dilkooda ku faraxsanahay!

Ugu dambeyn waxaa la soo bandhigay Xasan Xanafi oo sigaar cabaya waa laga yaabaa in uu sigaar dhuuq yahay, waase laga yaabee in lagu qasbay ama uu kalsooni uga raadinayo ciidanka la jooga.

Inti barnaamijku socday waxaa eedeysanaha la geeyay goobihi dadka lagu dilay, waxa uu jilayay meelaha qaar muuqaalada Filmka. waxaa leys weydiin karaa maxaa looga baahnaa in meelahaas la geeyo ama uu sheekada jilo. waxaa leys weydiin karaa ma wuxuu ku jiraa gacan dowladeed oo hay’ado cadaaladeed leh mise gacan maleeshiyo. waxaa leys weydiin karaa ciidanka NISA awood ma uleeyihiin qof cadaaladda u xiran in ay film ku jilaan ama magaalada wareejiyaan.

Waa hubaal ninkani waa eedeysane cadaaladda horjooga waxaana muhim ah in cadaalada uu hor jooga ay ka duwanaatee cadaaladdi maleeshiyaadka ama jabhadaha.

Waxaa xusid muddan in ay jiraan boqolaal dhalinyaro ah oo sida Xanafi oo kale ah mana ahan kuwo leysmo ku dhammaanaya, sababtoo ah waxaa furan madaaristii ay wax ku barteen waxaana heegan ah macalimiinti wax baray ee maskaxdooda ku shubay in ay dad muslimiin ah dilaan iyaga oo ilaahay ugu dhawaanaya.

Ilaahay ha u naxariisto inti naga dhimatay. Eedeysane Xanafina waxaan rajeynayaa in uu helidoono Cadaalad aan caadifad iyo neceyb gaar ah ku saleysneyn.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Xasan Xanafi ma maxbuus baa mise waa jilaa Filim cabsi ah ! W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-08T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Xasan Xanafi ma maxbuus baa mise waa jilaa Filim cabsi ah ! W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:00 PM and have 0 comments