XAASKEYGA MASAYR DARTIIS AYAAN KU FURAY

XAASKEYGA MASAYR DARTIIS AYAAN KU FURAY


ADVERTISEMENTS
XAASKEYGA MASAYR DARTIIS AYAAN KU FURAY  
waxaan marka hore salaamayaa dhamaan bahda la talinta iyo ustaadka, waxaan ahay aabe xaas ah 12 sano lehna 6 caruur ah, xaaskeyga waan jeclaa, waxaan ku arkay muddo 3 sano ah arimo badan, waxaan arkay inaysan i danayn, iqiimeyn, markii aan la hadlana waxay tiraahdaa "wax baad soo arkootay, waxaan dulqaataba, waxaan guursaday xaas kale, waan u sheegay, waxay u masayrtay si weyn, dagaal bay igu qaaday, caruurtii way kaxaysatay dhowr jeer, waxaan isku dayay inaan dejiyo, laakiin waan dejin waayay, waxaa ku xiran fikrad qalloocan, waxay istaagtay in la ifuro mooyee xal kale ma jiro, waxaan ku furay hal dalqad, kadibna muddo 6 bilood ah ayaan la socday xaalkeeda, mana u eka inay soo dabcayso, anigana caruurteydii kama maarmo, maxaan sameeyaa? sidee reerkeyga usoo celin karaa??  fadlan ila taliya

JAWAAB
ALMOSTASHAR JAMALUDIN CAWKE
Email:  talobixin@hotmail.com
marka hore waan ku salaamaynaa, salaam kadib, waxaan kaaga mahadcelinayaa kalsoonidaada, waxaan dareemayaa dhibka kaa soo gaaray burburka qoyskaaga, laakiin waa arin dhacda, oo ay keenayso arimo badan.
walaal masayrku waa dareen dabiici u ah gabdhaha lala guursado inay masayraan, waxaan dabiici ahayn inaysan masayrin, waana calaamad lagu garan karo in xaaskaagu ku jeclayd iyo in kale, waxaana ii muuqata in xaaskaaga aad ay kuu jeclayd markii hore, gabadha ninkeeda sida daran ujecel,waxay gashaa marxalad masayr waalan oo kale, waxaana ku dhaca wareer hoormoonada ah, waxay noqon kartaa qof aan miisaanayn.
hadii ay xaaladaas gashay waa laga fiicnaa in la furo, maxaa yeelay in la furo way ku sii fogaadaan kuwaas, waxay u baahnayd caawin kale iyo dejin noocyo badan.
hase yeeshee, hada furriin kadib ma la soo celin karaa? aniga waxay iila muuqataa in la soo celin karo, dhinaca sharcigana meher cusub ayaa idiin banaan, laakiin waxaa ka horeeya inaad qabato shaqo badan, oo leh marxalado kala gedisan.
Marxalada 1aad
1- waa inaad caruurtaada biilkooda la baxdaa, oo aad baahiyadooda la socotaa mar walba, waa arin aad masuuliyadeeda leedahay, muujinaysa inaad tahay qof doonis leh.
2- waa inaad caruurtaada aad xiriir fiican la yeelato, oo ugu yaraan maalin la qadeyso, mar mar na aad shopping u kaxayso, oo meelahaas soo marmariso, oo aad kabto jacaylkii aabbenimo ee meesha ka baxay, hooyadoodna aad hadiyad ugu sii dhiibto.
3- arinta khilaafkiina waa inaad caruurta ka ilaaliso, hadii ay ku weydiiyaana aad si xeelad leh uga baxsato, waan imaanayaa aabbe inshallah, waan idin jeclahay.
Marxalada 2aad:
1- waa inaad qiimeyso xaalada xaaskaagii hore, waxaana u kaashan kartaa gabar caqli leh oo ay saaxiib yihiin, ama ay qaraabo yihiin, dumarkuna arintaas way ku fiican yihiin, waa inay ka keento xog la hubo oo ku saabsan sida ay u fakarayso.
2- hadii ay fikradeedu fiican tahay, waa sida aan ku naqaano dumarka furiinka kadib inay isbedelo maskaxeed ku dhacaane, waa sidii aan rabnay, waxaad usoo bandhigaysaa, arintaada, si miisaaman oo caqli ku jiro, waxaadna khaladka saartaa adiga, laakiin wax qoran ayay ahayd.
3- hadii ay ka cududaarato inay reerka soo celiso, ha u qaadan inay dhab ka tahay, fadlan sii wakhti fiican oo ay uga fakarto, marka aad wakhti siiso oo ay kaligeed taxliiliso, waxay u badan tahay inay kugu raacdo dalabkaas.
kadibna si dhakhso leh u qabo xaflada meherka mar 2aad,  shuushow bax.
Waxaa muhiim ah inta aad howshaas ku jirto, inaad joogteyso ducada iyo allah baryadiisa, iyada ayaa xal kasta ka muhiimsan.
dhamaan aragtida aan kuu sheegay waa mid aan ku tijaabinay qoysas badan oo soo maray marxalado furriin, fadlan hadii ay kugu adkaato, ama aad u baahato in laguu sameeyo caawin joogto, fadlan nagala soo xiriir telefoonkaan : TEL: 0907752000



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: XAASKEYGA MASAYR DARTIIS AYAAN KU FURAY
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-28T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
XAASKEYGA MASAYR DARTIIS AYAAN KU FURAY



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments