XAASKEYGA HOOYADEED AYAA GURIGAYGA BURBURINAYSA

XAASKEYGA HOOYADEED AYAA GURIGAYGA BURBURINAYSA


ADVERTISEMENTS
XAASKEYGA HOOYADEED AYAA GURIGAYGA BURBURINAYSA
Waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo 27 sano jir ah, waxaan dhamaystay heerka labaad ee jaamicada, kadibna waxaan helay shaqo fiican, waxaan guursaday gabar aad iiga yar 19 jir ah, markaan aqalgalnay kadib, waxaan arkay in hooyadeed ay aad ugu xiran tahay, waxaa bilowday khilaafyo caadi ah,kuwaas oo ka dhex dhaca qoys walba oo isku cusub, waxay xaaskeygu u sheegtaa wax kasta oo na dhexmara hooyadeed, hooyaduna waxay sii saa talooyin, waxaan ka dareemaa inay iila dhaqanto qof wax u qorshaysan yihiin oo kale, waxaan u arkaa inaan ku kadsoomay qof aan miisaanayn, isla markaasna aanan sugi karin inay caruur ii dhasho, si aan culaysku iigu sii badan, hadaba waxaan codsanayaa in la iga caawiyo talada ugu haboon ee aan qaato, mahadsanidin

JAWAAB
ALMOSTASHAR JAMALUDIN CAWKE
Email: talobixin@hotmail.com
walaal marka hore waan kugu soo dhaweynayaa madashan, waxaan kaaga mahadcelinayaa kalsoonidaada, arintaadu waa mid fudud oo aad xallin karto.
waxaad khaladka saartay sodohdaa, waxaase ii muuqata inaysan arintu sidaas ahayn, waxaa mushkiladan aasaas u ah gabadha shakhsiyadeeda, xaaskaaga oo aan filayo inaadan si fiican isaga hubin marka aad guursanaysay, sababtoo ah arintan ay hada samaynayso waa mid si weyn looga dareemi karay xilligii guurdoonka.
xaaskaaga waa shakhsiyad ku tiirsan hooyadeed, waxaa laga yaabaa inay tahay curad, oo ay ku soo hormartay hooyadeed, amase ay tahay yaraanteeda, labadaasba waxay xiriir adag la leeyihiin hooyada, waana caruurta kuwa ugu dhow hooyada, hadii aysan xaaskaagu ahayn labadaas midna, waa shakhsiyad sidkan oo aan aaminsan inaysan hooyadeed ka maarmin, wax kastana la wadaagaysa, marka halkaas ayay dhibtu ka bilaabataa.
xaaskaaga hooyadeed noogama aadan sheegin inay gabadha soo wacdo, oo dhinaceeda xiriir kama yimaado, laakiin gabadha ayaa xiriirkan sidkan wada.
waxaa kaa muuqata inaad quusatay oo go'aan gaartay, oo aadan rabin inay caruur kuu dhasho, ma ahan inaad la talin dalbato hadii aad go'aan gaartay, anaguna ma jeclin inaan ku daalno qof wax meel u yaalaan.
arintan xaaskaaga aad ku aragto waa arin marxalad ah, oo u baahan dhaqan toosin, waxaa ka muuqatay xiriirkeeda hooyadeed inuu badan yahay, adigana xiriirka aad hooyadeed la leedahay inuu yar yahay, amaba inaad neceyb u qaaday oo aadan soo booqan, arintaas ayaa dagaalka sii fogeynaysa.
marka waxaan kugula talinayaa inaad bilowdo xiriir fiican hooyada la sameyso, isla markaasna aad adiguna noqoto ilmaheeda oo kale oo ku sidkan sodohdaa, marka ay dabcigaaga barato, isla markaasna ay cuqdadu ka baxdo, waxaa hubaal ah inay gabadheeda ku toosinayso saxda, amaba ay amrayso inay joojiso warka ay kaa soo sheegayso, hooyo kasta wanaag ayay ilmaheeda la jeceshahay, laakiin waxay caadifadeeda badan ku xigsataa kuwa xigsada iyada!
Allaha kuu sahlo. shukran



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: XAASKEYGA HOOYADEED AYAA GURIGAYGA BURBURINAYSA
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-28T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
XAASKEYGA HOOYADEED AYAA GURIGAYGA BURBURINAYSA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:00 AM and have 0 comments