WIILKEYGU WUXUU GALAY KAALINTA KOOWAAD, WAXAA KU DHACAY IL-CEYN

WIILKEYGU WUXUU GALAY KAALINTA KOOWAAD, WAXAA KU DHACAY IL-CEYN


ADVERTISEMENTS
WIILKEYGU WUXUU GALAY KAALINTA
 KOOWAAD, WAXAA KU DHACDAY IL
 EMAIL: talobixin@hotmail.com
waxaan ahay aabe dhalay wiil dhalinyaro ah oo jira 19 sano, wiilkaygu wuxuu ahaa nin degan oo aamus badan, aadna ugu fiican waxbarashada, wuxuu quraanka dhameeyey isagoo 12 sano jira, mudadii uu dhiganayay iskuulka wuxuu geli jiray kaalinta koowaad, arintaas aad ayaan ugu farxi jirnay aniga iyo hooyadiis, markii uu ugudbay fasalka F3, wuxuu sii labo jibaaray dadaalkii uu waday, si uu u helo boos scholarship ah, dadaalkaas uu ku jiray wuxuu keenay inuu yareeyo nasashadii, oo maalin iyo habeenba uu buuga la saaxiibo, waan kala hadlay dhowr jeer inuu naftiisa uturo oo uu nasto, imtixaankii ugu danbeeyey ee lagu qalinjabinta wuxuu galay kaalintii uu ku taami jiray, wuxuuna helay boos waxbarasho lacag la'aan ah, maalmihii natiijada imtixaanka aan maqalnayba  wiilkii wuu xanuunsaday, waxaan muddo kula wareegayay dhakhaatiirta, wax cudur ah kuma sheegin, aan ka ahayn in dhiigiisu hooseeyo, sidoo kale waxaan geynay goobaha quraan-saarka, iyaguna waxay ku sheegeen inay ku dhacday IL-CEYN, oo dadaalkiisa loo quuri waayay, arintaas ayaan u guuxnay, waxaan ku wadnay muddo bilo ah quraan faro badan,  hase yeeshee inuu ka sii daro maahee kama soo kaban.
xaalka wiilka hada wuxuu la il daran yahay Hurdo la'aan badan, iyo cuntada uusan cunayn, iyo jaha wareer dhinaca fikirka ah, iyo jirkiisa oo laga dareemayo daal iyo diif aad u xun, waxaan rajaynayay inaan waxbarasho u dirno, laakiin qof xanuunsan waxbarasho waxba uguma taal, fadlan nala taliya, sidee u caawin karnaa wiilkeena?


JAWAAB
marka hore waxaan kaaga mahadcelinayaa sida kalsoonida leh ee aad noola wadaagtay dhacdadaan xanuunka leh, wiilkaaga Allaha usoo celiyo caafimaadkiisii, adigana Allaha kuu fududeeyo, danbi dhaafna Allaha uga dhigo, waa mid ka mid ah imtixaanada dunidan.
walaal ma beenin karo, mana adkeyn karo in wiilkaan IL-CEYN ku dhacday, arintaas cilmigeeda waxay jirtaa xaga Allah SWT, waxay sheegeen xarumaha quraankana waa qiyaas iyo sida ay ula muuqatay, hadii aan fiiriyo aragtida cilmiga nafsiga ah:-
wiilkaagu wuxuu ahaa nin dadaal badan oo aamus badan, waxbarashadana ku fiican, wuxuu labo-laabay dadaalkiisii, oo ma nasan jirin, arimahaas ayaa waxay muujinayaan in wiilkaan maskaxdiisa isku buuqday, kadib guulahaas waxbarasho oo uu gaaray, laakiinse uu ku waayay caafimaadkiisa,  naftu waxay leedahay awood, hadii lagu xambaaro wax aysan awoodin, raad xun ayaa lagu arki karaa, wiilkaagu waxaa ku dhacay xanuunka Walwalka(isku buuqa) oo laga qaado markii qofku uu isa saaro culays uusan qaadi karin, isla markaasna uu nafta u diido inay nasato oo ay daal tirato, hadii howshaas socoto muddo 6 bilood ka badan waa hubaal in qofku la soo dhaco xanuun aad u adag, dadkeenuna ma fahmaan xanuunada dhimirka gala, waxaa laga yaabaa in qofka la dareemo xilli ay naftiisu aad u liidato, sida wiilkaagu marayo, hadaba qofka xanuunkaan qaba waxaa lagu arki karaa arimahaan soo socda:-
1- hurdo la'aan badan, iyo isagoo markasta laga dareemayo soo jeed badan.
2- daal jir ahaaneed iyo maskax ahaaneed, iyo tabardari jirka ah.
3- aroortii oo uu hurdada ku daaho, maadaama uusoo jeedo habeenkii.
4- cunto xumo iyo miisaankiisa oo si weyn hoos ugu dhaca.
5- marar badan oo uu dareemo murug iyo inuu kaligiis meel galo.
6- marar badan oo uu ooyo, ama lagu arko indihiisa oo ilmaynaya.
7- mararka qaarkood in lagu arko xanuun jirka ah iyo kulayl gubasho gudaha ah.
8- fikirka fiican oo ka maqan iyo wax inuu xusuusto.
9- iyadoo aysan u caddayn aragti nolosha iyo qorshayaashiisa.
hadii calaamadahaas lagu arko, waxaa waajib ah in dhakhtar Psychiatric degdeg loogu geeyo, maxaa yeelay waa xaalad caafimaad oo ubaahan in degdeg wax looga qabto, qofka sidaan u xanuunsan waxaa ku dhaca labo arimood oo dhib ku ah, mida hore waa iyadoo la fahmin dhibka haysta, tan labaadna waa iyadoo lagu wareero oo maalinba meel la geeyo, waa muhiim in Quraan la saaro, wuuna ku caafimaadayaa qofku, waxaase muhiim ah in marka hore boogta la dareemo, tusaale, hadii qof dhiig baxaya lala ordo, waxaa dhici karta inuu dhiigbax u dhinto, iyadoo dadkii waday ay dadaaleen, hadana waxaa ka hoos baxday inay xididka dhiiga xiraan oo dhuujiyaan, inta xarun caafimaad lala gaarayo, hadaba walaal waxaan kugula talinayaa arimahaan:-
1-inaad degdeg ula xiriirto dhakhtar cudurada nafsiga iyo maskaxda oo jooga deegaanka aad ku nooshahay, waana inuu helaa daawo dejisa oo hurdo fiican uu helo.
2- waa inaad cunto nafaqo leh siisid, sida Kalluunka ukunta, caanaha, iyo cabitaanada fruitka, si jirkiisu u kabto.
3- waa inaad siisaan jawi uu ku nasan karo.
4- waa in isbedeladiisa lala socdo, lagana ilaaliyo in waali lagu tilmaamo.
5- waa inuusan qol kaligiis seexan maalin iyo habeen toona.
6- waa in laga ilaaliso wax kasta oo jirkiisa waxyeeli kara.
7-waa in la siiyo daawada dhakhtarku u qoray, oo aan lagu hallayn kaligiis.
8- hadii uu caafimaado, waa in aan waxbarasho culus lagu kallifin, maxaa yeelay 
wuxuu u baahan yahay jawi isbedel ku sameeyo.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: WIILKEYGU WUXUU GALAY KAALINTA KOOWAAD, WAXAA KU DHACAY IL-CEYN
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-27T06:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
WIILKEYGU WUXUU GALAY KAALINTA KOOWAAD, WAXAA KU DHACAY IL-CEYN



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:30 AM and have 0 comments