WAR HADA AH: Ragii Weerarka ku qaaday Villa Somalia dadkana Xasuuqay oo la qabtay..

WAR HADA AH: Ragii Weerarka ku qaaday Villa Somalia dadkana Xasuuqay oo la qabtay..


ADVERTISEMENTS
Iyadoo Shalay ay aheyd markii Hoobiyaal ay ku soo dhaceen Degmooyinka Warta-nabadda iyo Howlwadaag ayaa waxaa Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ay sheegtay in Hub iyo Dad lala xariirinayo Hoobiyaashaasi gacanta lagu soo dhigay.

Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shugri oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ay soo qabteen ilaa 20 Ruux iyo Hub,kuwaas oo lala Xariirinayo in ay lug ku leeyihiin Hoobiyaashii Dhimashada iyo Dhaawac Sababay ee Muqdisho lagu garaacay.

Inta la xaqiijiyay Hoobiyaashii Shalay ayaa waxaa ku dhintay 7 Ruux oo ay ka mid yihiin Qoys ka kooban 5 Ruux oo Hoobiyaashu ay kula dhaceen xaafadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray hadal kiisa in baaritaan lagu hayo Dadka Ciidanku ay Gacanta ku soo dhigeen islamarkaana Sharciga la marsiin doono Ciddii ku lug yeelata.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: WAR HADA AH: Ragii Weerarka ku qaaday Villa Somalia dadkana Xasuuqay oo la qabtay..
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-26T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
WAR HADA AH: Ragii Weerarka ku qaaday Villa Somalia dadkana Xasuuqay oo la qabtay..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:30 PM and have 0 comments