WAALIDKEY WAY IS FUREEN, WAXAAN KA DHAXLAY NACAYB BADAN

WAALIDKEY WAY IS FUREEN, WAXAAN KA DHAXLAY NACAYB BADAN


ADVERTISEMENTS
WAALIDKEY WAY IS FUREEN, WAXAAN KA DHAXLAY NACAYB BADAN !!
waxaan ahay gabar ardayad ah, oo dhigata fasalka F3 ee dugsiga sare, waxaan ku barbaaray nolol mugdi ku jiro, anigoo jira 6 sano ayaan ku baraarugay muranka iyo khilaafka waalidkey dhexyaala maalin kasta, aabahay wuxuu ahaa nin qabow laakiin aamus badan, hooyadayna waxay ahayd qof kulul oo muran badan, waxaan arki jiray in hooyaday inta badan bilowdo rabsho iyo buuq, halkaasna khilaaf ka dhaco, aabahay wuxuu mararka qaarkood maqnaan jiray maalmo, inkastoo uu safaro u bixi jiray, markaas ayaan ka nasan jiray buuqooda maalmo kooban, waxayse arintu bilaabataa marka uu aabe yimaado, hooyaday arintii way sii labo jibaartay, waxayna ku khasabtay aabahay inuu furo, isagoo raba oo qoyskeena doonaya, wuxuu siiyey fursado badan oo qoysku ku sii jiro, waxaa arinta galay qaraabada labada dhinac, waxay khaladka saarayeen hooyaday, wax weyn oo ka cabatayna ma jirin, iyadoo xaalku sidaas yahay, ayay habeen murmeen, waxaan qeyladooda ka maqlayay qol kale, subaxdii ayuu aabe u ogolaaday inuu siiyo warqadii furiinka ay in badan doonaysay, waxaana qoyskeena u bilowday nolol ka duwan tii hore, wuxuu aabe qaatay boorsadiisii, wuxuuna ku yiri "hadii aad gurigaan degenaanayso waan kuu ogolahay" taas oo muujinaysay aabahay wanaagiisa, waxayse hooyaday ugu jawaabtay "gurigaagana ma rabo, mana jecli inaan ku arko mar danbe, arintaas oo muujinaysa nacaybka ay aabahay u qabtay intuu le'eg yahay, wuxuu aabe ugu jawaabay  "anigu inaan ku arko adiga iyo gabadhaada ayaan rabaa, hooyaday waxay gurigii naga rartay maalmo kadib, anigoo da'daydu tahay 10 sano oo aan lahayn walaalo iga yar iyo kuwa iga weyn, waxaan tagnay guri ay hooyaday kiraysatay, sannad kadib, hooyaday waxay guursatay nin qaadka cuna oo inta badan guriga iska jooga, wuxuuna igu canaanan jiray adeer shaaha iisoo kari, mararka qaarkood wuu icaayi jiray, aad ayaan u murugoon jiray markaan fiiriyo farqiga u dhexeeya aabahay iyo ninkaan ay hooyaday guursatay, muddo 5 sano ah oo aan la noolaa hooyaday, waxaan ku dhamaystay fakar iyo wareer, laakiin  labadii sano ee ka danbeysay waxaan isku arkay labo arimood oo aad saamayn iigu yeeshay, kan koowaad waa  nacayb badan oo aan hooyaday iyo ninkeeda u hayo, nacaybkaasna uma sheego, mana dareensiiyo, kan labaadna waa heerka waxbarashada oo aan ku liito, sannadihii hore waan ku fiicnaa waxbarashada, laakiin sannadkaan waxaa jira hoos udhac weyn, waxaan ku taami jiray inaan keeno darajo sare dhinaca waxbarashada, laakiin waxaan ku biiray ardayda iska yimaada iskuulka, oo aan lahayn han iyo dadaal midna,  mararka qaarkood waxaan ku fakaraa inaan ka tago gurigaan, hadana waxaan dareemayaa inaan ahay gabar oo aysan sharaf ii ahayn inaan iska tago, fadlan ila tali, sidee nacaybkaas isaga saari karaa? sidee usoo celin karaa dadaalkaygii tacliinta? 
   
waxaan kaaga mahadcelinayaa sida kalsoonida iyo faahfaahinta leh ee aad usoo cabirtay dhacdada qalbiga taabanaysa ee aad soo martay, waa mid dareenkeyga saamaynaysay intaan akhrinayay sadarada aad soo qortay adigoo ka xun wixii kusoo maray.
inkastoo aabahaa iyo hooyadaa aadan nooga sheekeyn karin qaabka ay isku guursadeen, hadana waxaan ka fahmay fariintaada inay isguursadeen iyadoo ay aad ukala fog tahay dabeecadooda iyo aqoontooda iyo heerkooda nololeed, waxaana ii sii caddeeyey kadib markii aad sheegtay in aabe ahaa nin aamus badan oo dabeecad xirxiran oo hadana qabow, waa dad ku dhaqma maahmaahda loo yaqaana "af daboolan waa dahab"  meesha hooyadaana ay ahayd qof kulul oo hadal badan, aabe wuu ku samray kulaylka hooyadaa, laakiin hooyo kuma samri karin aamuska badan ee aabahaa ay kala kulmaysay, maxaa yeelay qofka furfuran wuxuu jecel yahay qof u sheekeeya oo la qosla oo farxada la damaashaada, aabahaana qodobkaas ma lahayn, waana arin uu ku abuurnaa oo dabeecad ka ahayd, waana sirta aysan hooyadaa garan, waxaa laga yaabaa inay la sheekeysatay dumar seygoodu ka qosliyo oo farxad dareensan, iyadana waxay dareemaysay baahi nafsi ah, oo aakhirkii ku keentay culays badan oo sii dedejiyey furiinka.
hadii meesha lagu kala tagay, horey ayay soomaalidu ugu maahmaaheen "naag la furay fadhi uma yaal, kii furayna fadqalalow" marka walaal burburka qoyskiina helay wuxuu ahaa mid qoran oo ku danbeeyey natiijo aan fiicnayn, laakiin waxaa iiga kaa muuqda adiga  inaadan wili aqbalin dhacdadaas, oo aad inkirsan tahay, inkiraadu waa mida qofka saamaynta xun ku yeelata, hadii dhacdo aan fiicnayn soo  marto qofka waa inuu qaato, oo uu yiraahdo "Allah ayaa iiqoray, wuxuu doono ayuu sameeyaa"  laakiin ma ahan inaad wili ku jirto riyo iyo in aabahaa iyo hooyadaa isku soo noqon doonaan, waan qiyaasi karaa in mid kasta waayuhu wax bareen, oo uu mid kasta jeclaan lahaa in hal mar gadaal loo noqdo.

hadii aan ka hadlo qodobka nacaybka ah oo aad hooyadaa u qaaday, waa arin dabiici ah in ilmaha waalidkood kala tageen ay necbaystaan waalidkood ama mid ka mid ah, waxaana keenaya caruurnimada iyo jacaylka daran ee ay u qabaan qoyskooda, iyo iyagoona ka filayn in waalidkood isku xumaan karaan, cilmi baaris lagu sameeyey caruurta iyo dhalinta la kulma burburka qoyska, ayaa intooda badan waxay isku raaceen inay ahayd in waalidkood dartood isugu dulqaataan, waa hadii ay jecel yihiin caruurtooda, taas oo micnaheedu yahay in waalidkan isfuray aysan intooda badan jeclayn caruurtooda, ayna ka hormariyeen dantooda mida caruurtooda, arintaasna waxay keenta in jacaylka ay caruurtu uqabaan waalidka hoos u dhacdo.
tan waxbarashada aad ku hooseyso, waxaa keeni kara fakarka badan ee ay arintaan kugu keentay, maxaa yeelay horaa loo yiri "lama huraan waa cawska jiilaal" hadii qoyskiinii burburay, miyaadan xaq ulahayn inaad noolaato nolol fiican, hadii aadan ku dadaalin waxbarashadaada, yaad isku halaynaysaa!!  waa muhiim inaad kor u qaado dadaalkaagiina soo celiso, waxaan kugula talinayaa arimahaan:-
1- inaad xusuusato in xaqa waalidku ku saaran yahay, xataa hadii ay gaalo yihiin, hadii ay khaldameen xaq uma lihid inaad qalbigaaga ka saarto, ee xiriiri labadaba, kana gudub wixii dhacay, noloshaadana kab oo dadaal dheeri ah samee.
2- inaad hagaajiso xiriirka aad adeerkaa hooyo la leedahay, oo aadan dhib u arkin, waa seyga hooyadaa, horaa loo yiri "dudun in la dugsado iyo in la dareensado isku lahan!.
3- inaad maskaxdaada ka saarto fakarka xun iyo mashquulka maskaxdaada aad gelisay, oo u jeedsataa waxbarashadaada, wakhtigaaga aad ka faa'iidaysataa.
4- hadii ay kuu suurtowdo waa inaad ka qeybgasho barnaamijka hogaaminta qoyska, si aad u yarayso saamaynta xun ee ay kugu yeelatay dhacdada burburka qoyskiina.


Kheyrka Allaha ku waafajiyo.   Mahadsanid

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: WAALIDKEY WAY IS FUREEN, WAXAAN KA DHAXLAY NACAYB BADAN
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-27T05:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
WAALIDKEY WAY IS FUREEN, WAXAAN KA DHAXLAY NACAYB BADAN



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:30 AM and have 0 comments