USA: Nin hubeysan oo 7 qof ku dilay gobalka Michigan

USA: Nin hubeysan oo 7 qof ku dilay gobalka Michigan


ADVERTISEMENTS
Weerar xalay ka dhacay magaalada Kalamazoo ee gobalka Michigan ayaa lagu dilay ugu yaraan 7 qof oo rayid ah, kadib markii uu nin hubeysan rasaas ooda uga qaaday.

Ninkan falkan geystay ayaa la sheegay inuu watay gaari, isla markaana uu dhowr goobood oo kala gedisan uu rasaas ku furay, waxaana sidoo kale la sheegay inuu rasaasta la beegsanayey dadka jidka marayey.

Inta badan dadka weerarkan ku dhintay oo gaaraya 5 qof ayaa ku dhintay makhaayad kamid ah goobihii uu rasaasta ku furay ninkan, dadkaasi dhintay ayaa waxaa ku jirta gabar 14 sano jir ah. Labada qof ee kale ayaa iyaguna ku dhintay goob gawaarida lagu iibiyo.

Dadka ku dhaawacmay weerarkan ayaa waxaa kamid ah labo qof oo uu dhaawac culus soo gaaray oo uu ku jiro wiil 9 sano jir ah.

Booliiska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ninka falkan geystay, waxayna sheegeen inay baaritaan wadaan. Ninkan oo lagu tilmaamay inuu yahay nin cadaan ah.




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: USA: Nin hubeysan oo 7 qof ku dilay gobalka Michigan
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-22T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
USA: Nin hubeysan oo 7 qof ku dilay gobalka Michigan



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:30 PM and have 0 comments