U Gaar Dumarka : 5-taan Arin Aad Ayuu Ninka Uga Helaa Marka Lagu Jiro Kulanka Jaceylka.

U Gaar Dumarka : 5-taan Arin Aad Ayuu Ninka Uga Helaa Marka Lagu Jiro Kulanka Jaceylka.


ADVERTISEMENTS
Ragga ayaa kala duwan nin walibana waxa uu ku himanayaa arimo u gaar ah inta lagu jiro kulanka jaceylka labada lamaane , sidaa darteed waxaan idin soo xulnay 5 arin oo ay haboon tahay in haweeneyda wax ka ogaato marka la qaadanayo waqtigaas xasaasiga ah .

1- Ka Yeel Mid Ku Arkaya : dhanka aragtida ninka aad ayay muhiim ugu tahay , haka welin waligaa shakliga jirkaada , xittaa haddii aadan jir ahaan jalaqsaneyn waxaad ogataa marka lagu jiro kulanka jaceylka ninka dhan waliba ayaad ka qancineysaa kullamaa uu ku jecel yahay .

2- Noqo Mid La Maqlo : u ogaloow in codkaada uu maqlo , u sheeg in aad dooneyso in aad wada ciyaartaan , weydii dareenkisa , kulammaa wax aad ku qanacdo uu sameeyo, u ogaloow codkaada in uu ka turjumo luqadda jirkaada iyo wajigaada .

Waligaa ha iloobin ayay xayaati.com ku leedahay in marka uu dhamaado kulanka naxariista in aad u sheegto sida aad ula dhacday xittaa haddii markaas uu kulankaas ahaa mid aan xaraarad laheyn waayo hadalkaada ayaa dhiira gilinaya oo mar kale ayuu wax wanaagsan la imaanayaa .

3- La Fara Ciyaar Oo Dareemihiisa Kici : waligaa haka caajisin in farahaada adeegsato kuna ciyaarto jirkiisa , u dal daliig adiga ayaa ka dib arki doona natiijada wacan iyo sida uu kugu abaal gudo .

Ogoow ayay xayaati.com ku leedahay haddii uusan biloowga kulanka ku baashaalin fara ka ciyaarka taasi waxa ay ku keeneysaa in guud ahaan fara ka ciyaarka iloobo adna waxaad weyneysaa diyaar garoowga kulanka jaceylka oo sheekada waxa ay noqoneysaa ku dhufo oo ka dhaqaaq , waqti badan oo fikir ah uma baahnid oo ku aadan waxa aad sameyneyso iyo waxa aadan sameneyn kaliya tijaabi wax waliba oo weydii waxa uu aadka ula dhacay intii kulanka lagu jiray.

4- Fal Celis Sameey Oo Noqo Qof Wax Hindista : tusaale haddii aad dhabarka isaga jiifto aadna sameyn wax fal celis ah kana sugeyso isaga in uu hogaamiyo dhaq dhaqaaq waliba taasi waxa ay keeneysaa in uu caajiso adna waxad weyneysaa macaankii kulanka .

Mararka qaar adiga hor biloow dhowr hab iyo dhaq dhaqaaq hana ka cabsan waligaa sameynta tijaabo cusub waayo tix gilin xagiisa ah ayaad ka heleysaa.

5- Noqo Haweeney Cusub: haddii aad ku guuleysato in aad mar waliba haweeney cusub u noqoto waxaad si fudud u heleysaa kalgaceylka ninka iyo qadarintiisa waxa uuna dareemaa in uu qabo hal xaas balse u dhiganta kun xaas .

Badel muuqaalka jirkaada , habka tintaanta u habeysan tahay , labiskaada waxa ayna arimahas oo idil kaa caawinayaan in caajis dhanka jaceylka ah uu idin soo dhex galo.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: U Gaar Dumarka : 5-taan Arin Aad Ayuu Ninka Uga Helaa Marka Lagu Jiro Kulanka Jaceylka.
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-16T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
U Gaar Dumarka : 5-taan Arin Aad Ayuu Ninka Uga Helaa Marka Lagu Jiro Kulanka Jaceylka.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments