Turkish Cargo oo Muqdisho timid markii u horeysey kadib qaraxii Daallo Airlines

Turkish Cargo oo Muqdisho timid markii u horeysey kadib qaraxii Daallo Airlines


ADVERTISEMENTS
Waxaa maanta oo Axad ah soo cagadhigatey Diyaarad nooca xamuulka ah oo laga lee yahay dalka Turkiga.

Imaanshaha diyaaraddan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii ururka al-Shabaab si rasmi ah u sheegteen bomkii lagu xirey laptop-ka oo lagu dhexqarxiyey diyaaradda Daallo Airlines.

Al-Shabaab ayaa sheegtey in bartilmaameedkoodu ahaa Sirdoon reer Galbeed ah iyo saraakiil Turkish ah, iyada oo qorshohoodu ahaa in la weeraro Diyaaradda Turkish Airlines.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa baajisey duulimaadyadii ay ku imaan jirtey Muqdisho maalin ka hor weerarkii dhacay 02 feberaayo 2016. Tan iyo markaas ayaa la hakiyey duulimaadka Diyaaradaha Turkiga ee Rakaabka qaada.

Amaanka garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana lagu soo kordhiyey eyda u tababaran baaritaanada.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Turkish Cargo oo Muqdisho timid markii u horeysey kadib qaraxii Daallo Airlines
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-14T23:13:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Turkish Cargo oo Muqdisho timid markii u horeysey kadib qaraxii Daallo Airlines



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 11:13 PM and have 0 comments