TOP: Sirdoonka Mareykanka oo Shaaciyay Cida ka dambeysay Qaraxii Diyaarada DAALLO.

TOP: Sirdoonka Mareykanka oo Shaaciyay Cida ka dambeysay Qaraxii Diyaarada DAALLO.


ADVERTISEMENTS
Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxii sida weyn loo abaabulay ee ka dhacay gudaha diyaarada Daallo kaasoo ilaa hada baaritaan lagu wado.

Xubnaha ku howlan baaritaanka ayaa iskugu jira Soomaali iyo Xubno ka socda Sirdoonka Reer galbeedka ee xaruumaha ku leh xerada xalane iyadoo Dowlada federaalka ilaa hada wax natiijo ah aysan soo bandhigin.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo katirsan dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in Al-shabaab looga shakisanyahay inay ku lug lahaayeen dhacdadii qabsatay diyaaradii Daallo Airlines.

Mareykanku waxa uu sheegay in maleeshiyada Al-shabaab waligeeduba ku taameysay inay fuliso weeraro loo adeegsado diyaaradaha, taasina ay qeyb ka tahay qorshahooda ku aadan la dagaalanka nabada iyo xasiloonida.

Diyaaradan ayaa laba maalin kahor ka duushay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho tobaneeyo daqiiqo kadibna dib ugu soo laabatay Garoonka kadib markii uu Qarax ka dhex dhacay gudaheeda.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: TOP: Sirdoonka Mareykanka oo Shaaciyay Cida ka dambeysay Qaraxii Diyaarada DAALLO.
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-04T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
TOP: Sirdoonka Mareykanka oo Shaaciyay Cida ka dambeysay Qaraxii Diyaarada DAALLO.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:00 PM and have 0 comments