SEYGEYGU WUXUU AHAA HOWLKAR AH OO WAA LA SIXRAY

SEYGEYGU WUXUU AHAA HOWLKAR AH OO WAA LA SIXRAY


ADVERTISEMENTS
SEYGEYGU WUXUU AHAA NIN  HOWLKAR AH, WUU XANUUNSADAY, EHELKU WAXAY LEEYIHIIN WAA  LA SIXRAY

waxaan ahay hooyo xaas  ah, waxaan isbaranay wiil dhalinyaro ah oo shaqeeya oo ay ka muuqato dabeecad wanaagsan, iyo masuuliyad iyo fikir xeeldheer, wuxuu iisoo bandhigay guur, si degdeg ah ayaan usoo dhaweeyey, wuxuu u tegay waalidkey, waana la isiiyey, halkaas ayaan ku aqalgalnay, seygayga aad ayaan u jeclahay, waa nin howlkar ah oo shaqo badan, yaraantiisii ayuu aad wax ubartay, markii aan aroosnay, waxaa reerka ku baxay kharash badan, waxaa na soo foodsaartay dhaqaale yari, markaas ayuu bilaabay shaqadii uu hayay inuu ku daro shaqo  kale, xaaladeenii waa soo fiicnaatay, iyadoo xaalku sidaas yahay, waxaa uu helay fursad sadexaad oo shaqo ah, waase mid ka duwan kuwii hore, waa shaqo fudud oo fasaxa asbuuca ku beegan, isla markaasna lacag fiican lagu qaato, wuu aqbalay, wuxuu habeenkii imaan jiray isagoo daalan, waxaan u diyaarin jiray wax kasta oo ku daal tirto, noloshaas ayaan ku jirnay muddo 3 sano ah, waxaa seygeyga bilaabay xanuuno la fahmi waayay, miisaankiisii ayaa hoos ugu dhacay si degdeg ah, cunto qaadashiisuna way yaraatay, isagoo u ekaaday qof maliil ah.
waxaa batay fasax qaadashadiisa shaqada, xanuunkii ayaa kusii batay, ehelkii ayaa isugu yimid, waxaa la geeyey xarumaha caafimaadka, dhamaantood way garan waayeen waxa ninkaan ku dhacay, waxaa lagu akhriyey Quraan badan, laakiin wili waa sidiisii, waxaan arkay iyadoo lagu sheekeynayo "waa la sixray, Allahayow yaa sixray? maxaa lagu sixray? 
waxaan wareersanahay muddo 3 bilood ah oo uu si aad ah u xanuunsan yahay seygaygu, waxaan u dhalay caruur 5 ah, cudurkiisana waa la garan waayay, waxaan maqli jiray "cudurkaaga la garanwaa" habaar ka xun ma jiro, waxaan codsanayaa in la icaawiyo, sidee ula tacaali karaa seygeyga? sidee ku ogaan karaa in la sixray iyo in kale?


walaal waxaan kaaga mahadcelinayaa kalsoonidaada, seyga Allaha kuu caafiyo, caafimaadkiisii iyo howlkarnimadiina allaha usoo celiyo.
ma kugu raacsani in ninkaaga la sixray, mana u diidi karo si kama danbeys ah inuu sixran yahay, cilmiga ugu saxsan eebe kaliya ayaa og, laakiin waxaan u arkaa in seygaagu xanuunsanayo xanuun nafsi ah oo ka imaaday shaqadii iyo culaysyadii mudada dheer uu waday, shaqooyinkaas oo aad u aragtay inay noloshiina horumar u leeyihiin, laakiin waxay shaqooyinkaas hoos u dhigeen caafimaadka seygaaga, qoyskaagana waxay si khatar ah ugu yeesheen saamayn xun.
walaal waxaad sheegtay in seygaagu ka shaqeyn jiray labo shaqo, oo aan qiyaasi karo, saacadaha la shaqeynayo inay ka badan yihiin 14 saac, waana saacado ku badan qofka aadanaha ah, dunidan waxaa aad loo adkeeyey in shaqaaluhu shaqeeyaan saacado badan, ama aysan qaadan fasaxooda asbuuclaha ah ama kan sannadlaha ah, taasna waxaa kallifay markii cilmi baarisyo lagu ogaaday caafimaad darada ay leedahay shaqada badan oo aysan u dhexeyn raaxaysi iyo nasasho joogto ah, waxaana la isku raacay in culayska shaqada ka yimaada uu leeyahay xanuunka Depression (murugada iyo niyadjabka) wuxuu xanuunkaan ku dhaca dadka nafsi ahaan ay ku dhacaan culaysyada, waxaan in badan fiiriyey xiriirka ka dhexeyn kara xanuunkaan iyo shaqada, wuxuu noqday shaqada badan qofku wuxuu la kulmaa daal badan, isagoon nasan ayuu ku noqdaa, shaqadaas joogtada ah ayaa qofka ku abuuraysa murug, taas oo uu ka qabo yoolkiisii uusan gaarin iyo sida jirkiisu u daalan yahay.
seygaaga waxaad noo sheegtay inuu shaqo 3aad galay, iyadoo labadii shaqo ku cuslayd, tana waxay keentay inuusan maalmaha nasashada asbuuca uusan nasan, taas ayaadna raalli u ahayd, mana aadan siin talo ku aadan inuu naftiisa u naxariisto, waxaad arkaysay maalin kasta isagoo daalan inuu kuu yimaado, waad ku arki jirtay inuu howlo badan soo yareeyey sannadihii ugu danbeysay, hadana maadan u naxariisan, Soomaalidu waxay tiraahdaa "shaqo ma dhamaato, ee ninkeeda ayaa dhamaada" ninkaagii shaqo ayaa u dhameysay, mana qabo inuu sixran yahay, seygaaga wuxuu khatar u yahay in xanuuno ka khatarsan ku dhacaan.
xanuunadaas nafsiga ah markii ay qofka ku dhacaan degdeg looma ogaado, taas ayaana qofka uga sii darta, hadii aad ku aragtay inuusan seexan, cunto fiicana uusan cunin, wa calaamadaha ugu horeeya oo qofka khatar geliya, waxaa hubaal ah in aad uu hoos ugu dhacay dhiigiisa HP iyo miisaankiisa oo hoobtay, arimahaas oo dhan waxay muujinayaan in xanuunkii nafsiga ahaa uu u gudbay jirkiisa, dadkeenu ma yaqaanaan cudurada maskaxda ku dhaca (mental disease) waa cuduro jira, qofka jirka ka xanuunsana waxaa ka khatarsan qofka maskaxda laga galay, marka seygaagu wuxuu u baahan yahay in degdeg loola tacaalo.
waxaan kugula talinayaa arimahaan:-
1-inaad degdeg ula xiriirto dhakhtar cudurada nafsiga iyo maskaxda oo jooga deegaanka aad ku nooshahay, hadii aad weydo, waxaad ugeysaa dhakhtar caafimaad, adigoo u sharxaya calaamadaha hurdo la'aanta iyo cunto xumida.
2- waa inaad cunto nafaqo leh siisid, iyo cabitaanada fruitka, si jirkiisu u kabto.
3- waa inaad siisaan jawi uu ku nasan karo.
4- waa in isbedeladiisa lala socdo.
5- waa inuusan qol kaligiis seexan maalin iyo habeen toona.
6- waa in laga ilaaliso wax kasta oo jirkiisa waxyeeli kara.
7-waa in lagu koontaroolo isticmaalka daawooyinka.
8- hadii uu caafimaado, waa in shaqooyinkaas hal mid looga reebo.


ALLAHA CAAFIYO WALAAL
LATALIYAHA QOYSKA 
JAMALUDIN CAWKE

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: SEYGEYGU WUXUU AHAA HOWLKAR AH OO WAA LA SIXRAY
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-27T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SEYGEYGU WUXUU AHAA HOWLKAR AH OO WAA LA SIXRAY



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 4:30 AM and have 0 comments