SEYGEYGA WUU IJECEL YAHAY, LAAKIIN HOOYADIIS AYAA INECEB

SEYGEYGA WUU IJECEL YAHAY, LAAKIIN HOOYADIIS AYAA INECEB


ADVERTISEMENTS
SEYGEYGA WAAN ISJECEL NAHAY, LAAKIIN HOOYADIIS AYAA INECEB.

Waxaan ahay gabar xaas ah muddo 6 sano ah, seygeyga waxaan isku baranay waxbarashada, aadna waan isku jecel nahay, markii aan aroosnay kadib, waxaan arkay in hooyadiis aysan ku faraxsanayn gurigeena, waan weydiiyey, wuxuu iigu jawaabay inaysan wax dhib ah jirin, markii aan booqano oo sheeko wadaagno, waxay ku hadashaa hadalo muujinaya inaan wiilkeedii qalbigiisa ka qaaday, anigu waxaan isku dayaa inaan dajiyo, laakiin waa hooyo kulul oo rabto inay reerka wiilkeeda u taliso, hase yeeshee aad baan difaac uga xirtaa, mudadaas aan xaaska nahay, arintaas way taagan tahay, hada waxaan yareeyey booqashadii iyo sheeko wadaagii, danahayga ayaan qabsadaa, seygayga wuxuu dareemay goynta aan gooyey, aadna uu uga xumaaday, wuxuuna igu waaniyaa inaan xiriiriyo hooyadiis, laakiin qof la xiriirin karo maahan, waxaan uga baaqsadaa si aan dhibkeeda uga nabad galo, waan jeclahay inaan xiriiriyo, waxayse iila dhaqantaa sidii qof aan waalid ii ahayn oo kale, anigu waxaan doonayaa inaan hagaajiyo xiriirka sodohdey, fadlan Ustaad iga caawi habka ugu fiican ee aan ku kasban karo Sodohdey!!!

walaal marka hore waxaan kaaga mahadcelinayaa kalsoonidaada iyo latashigaaga, arintaadu way fududahay hadii aad si fiican u fiirisid, anigoo kuugu hambalyeynaya inaad seygaaga isu jeceshihiin si fiican, taas ayaana dhalisay arintaan.
walaal hooyada seyga (sodohda) waa waalidka dhashay ninkaan aad jeceshahay, waxaa ka dhexeeya wiilka iyo hooyadiis xiriir waalidnimo iyo jacayl xad dhaaf ah oo ku abuuran, iyadoo soo nuujisay, soo xambaartay, habeeno badan ku soo jeeday, arimahaas oo dhan waxay xiriirka hooyada kor u qaadaan jacaylka ay u hayso ilmaheeda.
hadaba marka aad guursatay wiilkaan waxaad u qabtay in sida aad u jeceshahay aysan jirin qof u jecel, laakiin waxaa markasta kaa jecel hooyadiis dhashay, hadii aad jacaylkeeda la tartanto, waxaa dhalanaya khilaaf iyo isfahan la'aan, maxaa yeelay adiga iyo seygaaga waxaa idinka dhexeeya jacayl ku samaysmay guurkan, waxaa imaan kara isku dhacyada jacaylka, waxaana markasta adkaan kara midka hooyada, maxaa wacay waxay leedahay xiriir aad u xoog badan.
hadii aad tahay gabar xaas ah waa inaad hagaajisaa xiriirka hooyada seygaaga, waana inuusan seygaagu dareemin wax dhib ah inaad hooyadiis u qabtid, waxaa kugu filan inay hooyadiis tiraahdo "maandhow gurigaaga tegi maayo" markaas wuxuu qaadan karaa go'aan inuu xiriirkaaga joojiyo ama uu samaysto reer kale oo hooyadiis jeceshahay.
waa hubaal in taariikhda sodohda aysan jeclayn dad badan oo xaas noqday, hase yeeshee waxaa inaga maqan habkii aan ula dhaqmi lahayn hooyadaan wiilkeeda la jecel yahay, hadii aan fiirino  waxyaalaha keena in hooyadu ay qoonsato gabadha ku cusub reerka, waxaa ugu horeeya :-
1- in hooyadu aysan jeclaysan doorashada wiilkeeda.
2- in hooyadu aysan wiilkan guurba la rabine, ama ay qof kale u qorshaysay.
3- in hooyadu tahay qof adag oo jecel inay xukunto wiilkeeda iyo gabadhaba, taas oo markii ay ka boodaan ay la timaado carqalado saamayn ku yeesha qoyskan.
hadaba si aad qoyskaaga uga badbaadiso hardanada jacaylka, isla markaasna u kasbato sodohdaa fadlan samee arimahaan:-
1- hadal macaan kula hadal oo marmar u gee hadiyadaha ay dumarku ka helaan.
2- marka aad soo booqato xoogaa u sheekee oo warkeeda u dhagayso si xiise leh.
3- marnaba ha uga dacwoon seygaaga hooyadiis, adigoo u muujinaya dhibkeeda.
4- hadii ay xanuunsato ama ay arin ay leedahay, isku day inaadan ka maqnaan.
5- iska ilaali inaad cid kala sheekeysato sodohdaa wax ku saabsan.
6-seygaaga u dardaaran inuu hooyadiis xiriiriyo, oo ku caawi arintaas.
marka wanaagaagu gaaro, oo aad xumaana ka ilaaliso, hadiyad u geyso, ka warheynteeda badiso, waxay kuu arkaysaa gabadheedii, xiriirkiinuna aad ayuu u fiicnaanayaa, hadii aad isku aragto inaad wiilkeedana heshay, iyadana aadan tixgelin siinin, waxay kula geli doonaa hardan adag, lana hubo inay aakhirka ku adkaan doonto.


MAHADSANID
ALMOSTASHAR JAMALUDIN CAWKE
TEL:+252907752000  EMAIL: talobixin@hotmail.com

ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: SEYGEYGA WUU IJECEL YAHAY, LAAKIIN HOOYADIIS AYAA INECEB
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-27T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SEYGEYGA WUU IJECEL YAHAY, LAAKIIN HOOYADIIS AYAA INECEB



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:30 AM and have 0 comments