Sawirro: Gaas oo iska tuuray calanka Somalia iyo sirtii Ethiopia ee Soomaaliya soo shaac baxday

Sawirro: Gaas oo iska tuuray calanka Somalia iyo sirtii Ethiopia ee Soomaaliya soo shaac baxday


ADVERTISEMENTS
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa ka tegay calanka Soomaaliya oo qaatay calanka maamulkiisa Puntland, waxaana la arkayay calanka Itoobiya iyo kan Puntland oo is barbar yaala goobo uu booqday C/weli Gaas oo isugu jira shirkado iyo kaabayaal dhaqaale oo Itoobiya leedahay.

Arrinta la yaabka leh ee meesha ka muuqata waa in Puntland u dhaqantay sida dowlad ka madax bannaan Soomaaliya iyadoo Itoobiyana ay u sahashay rabitaankaasi, taasoo fadeexad ku ah shaqsiyadda Madaxweyne Gaas oo noqdey Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Waxaa laga yaabaa wafdiga Puntland ee Itoobiya ku sugan inay sharaf u arkaan arrintan halista ku ah qaranimada Soomaaliya oo soo baxday xilli ay C/weli Gaas hore u sheegay inay furan tahay inay Soomaaliya ka go’aan…!! Waxay sidoo kale tani caddeeneysaa damaca Ethiopia ee ah dowlado tiro-badan oo Soomaaliya kasoo baxa.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA






ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Sawirro: Gaas oo iska tuuray calanka Somalia iyo sirtii Ethiopia ee Soomaaliya soo shaac baxday
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-22T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sawirro: Gaas oo iska tuuray calanka Somalia iyo sirtii Ethiopia ee Soomaaliya soo shaac baxday



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:30 AM and have 0 comments