Sacuudiga oo Maxkamadeenaya Shiico oo uu ku eedeeyey Basaasnimo

Sacuudiga oo Maxkamadeenaya Shiico oo uu ku eedeeyey Basaasnimo


ADVERTISEMENTS
Boqortooyada Sacuudiga ayaa bilowday maxkamadenyta 32 rag lagu eedeeyey basaasiin inay yihiin oo ay ku jiraan aqoonyahano, ganacsato iyo dhakhaatiir.

Dadkan ayaa intooda badan u dhashay dalka Sacuudiga, balse waxaa sidoo kale ku jira dadka maxkamada saaran nin u dhashay IRAN iyo muwaadin kasoo jeeda dalka Afghanistaan, dhamaan dadkan ayaa lagu eedeeyey inay la shaqeenayeen sirdoonka dowlada Iran.

Xeer illaalinta Sacuudiga ayaa kusoo oogay dadka inay ka sameeyeen gudaha wadankooda shabakad sirdoon oo la shaqeysa xukuumada IRAN, waxayna ku eedeeyeen dadkan inay gudbiyeen sir la xariirta dhanka militari iyo dhaqaalaha Sacuudiga.

Dhamaa shiicada u dhashay Sacuudiga ee la qabtay ayaa kasoo jeeda deegaanka al-Ahsa oo ay ku badan yihiin shiicada dalkaasi, waxaana qaarkood xabsiga la dhigay sanadkii 2013.

Dowlada Sacuudiga oo xiligan xurguf siyaasadeed kula jirta dowlada IRAN ayaa horey dil ugu fulisay wadaad Shiico ah oo Sacuudi ah kaasi oo ay ku eedaysay xukuumada inuu abaabulay kacdoon ka dhan ah Boqortooyada. Dilkaasi oo sii xumeeyey xiisada ka dhex taagan Shiicada iyo Boqortooyada Sacuudiga.




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Sacuudiga oo Maxkamadeenaya Shiico oo uu ku eedeeyey Basaasnimo
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-24T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sacuudiga oo Maxkamadeenaya Shiico oo uu ku eedeeyey Basaasnimo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments