Qofkii saddexaad dhalinyaro Soomaali ah oo sanadkan lagu dilay magaalada Toronto

Qofkii saddexaad dhalinyaro Soomaali ah oo sanadkan lagu dilay magaalada Toronto


ADVERTISEMENTS
Dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa sii kordhaya, iyadoo bilowga sanadkan la dilay illaa 3 Dhalinyaro Soomaali ah.

Sharma’arke Faarax oo ahaa 17 jir ayaa Axadii la soo dhaafay lagu dilay Toronto, waxaana shalay lagu aasay isla magaaladaas.


Xuseen Nuur Xaaji oo ah wariye degan magaalada Toronto oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan lagu dilay magaaladaas 12 dhalinyaro oo 3-ka mid ah ay Soomaali yihiin.

Waxaa uu sheegay in labo todobaad ka hor in isla magaalada Toronto lagu dilay Wiil Soomaali lagu magacaabayay Siciid Qeyliye, kaasoo dilkiisa loo adeegsaday Toorey.

Booliska magaalada Toronto ayaa sheegay in dilkaas ay u qab qabteen dad dhowr ah, hase ahaatee bulshada Soomaalida ee degan Toronto ayaa walaac ka muujiyay dilalkan soo kordhaya.

Dilalkan ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan kooxo burcad ah, waxaana hogaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ku baaqeen in Soomaalida midoobaan, isla markaana dhalinyarada la wacyi geliyo.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Qofkii saddexaad dhalinyaro Soomaali ah oo sanadkan lagu dilay magaalada Toronto
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-12T20:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qofkii saddexaad dhalinyaro Soomaali ah oo sanadkan lagu dilay magaalada Toronto



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:30 PM and have 0 comments