Qaybo Ka Mid ah Magaalada Nairobi oo Dadkii ay Baqdin Lasoo Deristay (VIDEO)

Qaybo Ka Mid ah Magaalada Nairobi oo Dadkii ay Baqdin Lasoo Deristay (VIDEO)


ADVERTISEMENTS
 Booliska dalka Kenya ayaa baadigoob xoogan ugu jira Libaaxyo ka soo baxsaday Xarunta Xanaanada Duur joogta ee dalka Kenya, Libaaxyadan Baxsadka ah ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay ilaa lix xabo.

Libaaxyadan ayaa la sheegay inay shalay ka baxsadeen Xarunta Duurjoogta ee dalkaasi Kenya, waxaana la aaminsan yahay inay u baxsadeen Dhulka Kaymaha ah ee ku yaala duleedka magaalada Nairobi.

Magaalada waxaa ka jirta Cabsi la xiriirta in Libaaxyada ay soo galaan xaafado ka mid ah gudaha Magaalada, kadibna halkaasi ay dadka ku dhibaateeyaan.

Telefishinada magaalada Nayrobi ayaa xalay laga daawanayay askar baadi goob ugu jira Libaaxyada baxsaday oo ah kuwo la sheegay inay qatar yihiin.

Ciidamada Booliska ee baadigoobka libaaxyadan wada ayaa lagu arkayaa Duleedka Magaalada Nairobi, iyaga oo si raxan ran ah iskula socda.

GUJI HALKAAN KA FIIRSO



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Qaybo Ka Mid ah Magaalada Nairobi oo Dadkii ay Baqdin Lasoo Deristay (VIDEO)
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-20T22:16:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qaybo Ka Mid ah Magaalada Nairobi oo Dadkii ay Baqdin Lasoo Deristay (VIDEO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:16 PM and have 0 comments