NINKEYGU WAA MASAYROW, HINAASI BADAN

NINKEYGU WAA MASAYROW, HINAASI BADAN


ADVERTISEMENTS
NINKEYGU WAA MASAYROW, HINAASI BADAN
 waxaan ahay gabar xaas ah muddo 2 sano ah, waan jeclaa, waxaan ku arkay inuu ka masayro Telefoonka iyo ku hadalkiisa, iyo markii aan cid kala hadlayo Whatsup-ka, waxaan isku khilaafnay dhowr jeer, waxaana uu iila dhaqmaa si xanaaq iyo caburin badan, mararka qaarkood waxaan gaaraa inaan telefoonka iska xiro, waxaa kale oo mararka qaarkood uu ka xanaaqaa anigoo wiil salaamaya hadii uu arko, ama u sheekeynaya, waxaasna anigu dhib uma haysto, xumaan anigu ma samayn, marka waxaan ka shallaayay guurkaygii, waxaan dhowr jeer ku fakaray inaan ka tago gurigiisa, waxaana u arkay guri dhibaato iyo koontrool, aniga wuxuu iga dhigtay sidii sac qoobxir ah!, waxaan ustaad doonayaa inaad igala talisid noloshayda iyo mustaqbalkeyga, sidee ula noolaan karaa qof masayrow ah???

JAWAAB
ALMOSTASHAR JAMALUDIN CAWKE
Email: talobixin@hotmail.com
walaal marka hore waxaan kaaga mahadcelinayaa kalsoonidaada, waxaan u arkaa arintaada inay tahay mid xal leh.
walaal masayrku waa dareen aadanaha oo dhan ku jira, waxaa kala duwan qof walba heerka uu ka gaarsiisan yahay, waxaa kala masayri kara caruurta walaalaha ah, waxaana mid kasta leeyahay sabab keentay, hadii lammaanaha aan ku aragno masayr, waxaa dhici karta inuu leeyahay sabab keentay, masayrka aan lahayn sabab keentay oo dhacdo ah ama dhaqan ah, waxaa loo sababeeyaa xanuuno maskaxda ah ama hormone ku batay jirka ama mid ka yaraaday, laakiin masayrka aad seygaaga ku aragtay waa mid caadi ah oo ku yimid dhaqamo uu adiga kugu arkay, hadaba su'aashu waxaa weeye "masayrku daawo ma leeyahay? haa wuu leeyahay, waxaa loo baahan yahay inaan ka fiirsano tallaabooyinka aan qaadayno, culimada cilmi nafsigu waxay leeyihiin " MASAYRKU WAA CALAAMAD POSITIVE AH, HADII AAN SI FIICAN ULA DHAQANO!
waxaa ii muuqata in seygaaga iyo adiga aad ku kala duwan tihiin dhinaca hab dhaqanka diinta, waxaa kale oo muuqata in waxyaalo diin ahaan aan fiicnayn, ama xaaraam ah ay kuu yihiin caadi, taas oo muujinaysa habdhaqankaaga aad soo martay, ma inaad salaamto qof ajnabi ah ayaa caadi ah? waa dhaqan xun, isla markaasna burburiya sharafta qoyska.
walaal masayrku waa calaamad muujinaysa jacayl, wuxuuna u qeybsamaa labo nooc oo kala ah :-
1- masayr uu ka masayro wax aan laga shakin karin, sida walaalahaa iyo waalidkaa aad la hadasho telefoon oo kale.
2- masayr uu ka masayro adigoo nin salaamaya (gacan qaadaya) adigoo qof ajnabi kaa ah kula sheekaysanaya telefoon xilli aan haboonayn, adigoo codka u dabcinaya qof ajnabi kaa ah, arimahaas oo dhan waa xaaraan in gabadha muslimada ah samayso.
waxaan arkayay inaad tiri waa caadi, dhib malahan, gabar nin walba samaalaysa waa arin nin kasta dhibsanayo, marka arintaas waa khalad aad adigu leedahay.
tan kale, wuxuu Allah faray gabdhaha muslimka ah inay san hadalka u dabcin nimanka, marka aad qof ajnabi ah kula hadlayo, oo dan ka hadlayo,  waa inaadan hadalka u dabcin, oo aad ula hadasho si caadi ah, waxaa kale oo meesha  ku jirin, inaadan xiriir lasamayn.
marka seygaagu guriga kula joogo waa inaad ixtiraamto, hadii aad waagii hore shukaansi badnayd, hada xaas ayaad noqotay, ma ahan wax fiican inaad ku hadasho telefoon iyadoo seygaagii kuu yimid oo kuu baahan yahay, waa dhaqan danbe oo muujinaya inaadan ixtiraamayn, ee uu mudan yahay qofka ku jira khadka, marka qof sideedaba kuu yimaado oo telefoon kuu soo dhaco waa inaad tiraahdo, raali noqo, waxaan ka jawaabayaa telefoon ka.
arimahaas oo dhan waxay muujinayaan in seygaagu khaati kaa taagan yahay, waana arin aad ku kala tegi doontaan mid kasta oo damiir leh, inuu masayro, oo arintaas uu qaadan waayana waxay muujinaysaa inuu ku jecel yahay, hadii uusan ku jeclayn intuu kuu aamuso, ayuu kaa danaysan lahaa.
waxaan kugula talinayaa :
1- inaad seygaaga u cududaarato, arimahaas oo dhana joojiso,
2- waa inaad soo celiso kalsoonidiisii, isla markaasna hanato qalbigiisa.
3- inaad barato diinta Allah, wax badan ayaa kuu baxaya.
4- inaad gasho tababarada arimaha qoyska, si aad u kabto xog badan oo la xiriirta qoyska oo kaa maqan, si aad uga gudubto wareerkaan.
Waxaan in badan akhriyey cilmi nafsiga la xiriira masayrka iyo mashaakilka jacaylka ka yimaada, waxaan ka fahmay aragtidaan soo socoto oo ah :-
MASAYRKU WAA CALAAMAD POSITIVE AH, HADII AAN SI FIICAN ULA DHAQANO!



ALLAHA KUGU SUGI XAQA, AAMIIN



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: NINKEYGU WAA MASAYROW, HINAASI BADAN
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-28T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
NINKEYGU WAA MASAYROW, HINAASI BADAN



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 2:00 AM and have 0 comments