MURUGBADANAA... ANIGA AYAA NINKEYGII DILAY, GACANTEYDA KUMA DILIN.. LAAKIIN

MURUGBADANAA... ANIGA AYAA NINKEYGII DILAY, GACANTEYDA KUMA DILIN.. LAAKIIN


ADVERTISEMENTS
MURUGO BADANAA... ANIGA AYAA NINKEYGII DILAY, GACANTEYDA KUMA DILIN.. LAAKIIN...
Waxaan ahay hooyo dhashay 3 caruur ah, waxaan guursaday anigoo jira 28 sano, waxaan helay nin baarri ah, oo aad iigu roon, waxaa uu ahaa nin dabeecad leh, oo dulqaad badan, laakiin anigu ma garan bilowgii hore, waxaan ku kala barbaarnay labo heer oo nololeed oo kala fog, waxaan kusoo barbaaray qoys dhaqaale leh, isaguna wuxuu ka dhashay reer faqiir ah, arintaas waxay ka maqnayd maskaxdeena, laakiin ugu danbeyn waan aqbalay, markaan aqal galnay, mushaarkiisii ayaa nagu filnaan waayay, waxaan ka dalbaday baahidaydii, wuxuu ii sheegay inuusan awoodin, laakiin uma aanan cududaarine, waan ku kululeeyey " hadii aadan awoodin inaad biil fiican isiiso maxaad iisoo lugoysay?!! aad ayaan kalmadaha ugu adkeyn jiray, wuu fakaray, wuxuuna bilaabay inuu shaqadiisii ku daro (overtime) shaqo dheeraad ah oo siyaado ka ah intii uu awooday, si uu daboolo baahidayda, wuxuuna guriga imaan jiray saq dhexe, wuxuuna bixi jiray subaxa hore, arintaas ayuu ku jiray muddo 8 sano ah, aniga ma iga helin wax taageero ah, xataa kalmad wanaagsan, dhiirigelin iyo wanaag uu ku samro midna.
waxaa laga dareemi karay daal faro badan, iyo inuu u baahan yahay nasasho, laakiin anigu uma naxariisan jirin, mana u mahadcelin jirin, waxaan ku gubi jiray hadalo kulul, oo aan naxariis lahayn, isaguna waligay ima oran hadal kulul, waxaan isaga raaxeysan jiray nolol aanan istaahilin, waxaa soo afjarmay noloshii aan kibirka ku jiray, habeen ayuu seygeygu xanuunsaday, ma aanan weydiin xanuunka haya, si aan u caawiyo, balse wuxuu ku noqnoqanayay suuliga, waxaan dareemayay inuu qubaysanayo, markii ugu danbeysay ayaan  ka dhexmaqlay suuliga  jug weyn iyo dhawaaq, kadibna waan fiiriyey mise wuxuuba dhexyaalaa suuligii, kadibna waxaan wacday kooxaha gurmadka, waxaan ula cararnay isbitaal, laakiin wuuba miyir daboolnaa, waxaa ku dhacay STROKE, xanuunkaas ayaa ku dhacay, wuxuuna miyir daboolnaa muddo asbuuc ah, maalin ayuu miyirsaday, kadibna wuxuu igu yiri kalmadaan:' waxaan kuu dardaarmayaa caruurteena kheyr, waxaana kaaga mahadcelinayaa noloshii saciidka ahayd ee aan kula soo wadaagay!!!!!  meeday nolosha wanaagsan ee aan la soo wadaagay, oo aan ahayn middii aan ku soo cadaabay!!!
ustaad kalmadaas ayaa igu ahayd dhibaato aan ilaawi waayay, muddo 3 sano ah oo uu mootan yahayna waan ku riyoodaa, waxaan dareemayaa inaan iska dilay sey aad u qiimo badnaa, seygaas oo ii jeclaa si weyn, oo aanan helayn qof sidaas ii jecel, waxaan u dilay si aan toos ahayn, waxaan ku dilay caqli xumidayda, inkastoo geeridu qoran tahay, qof walbana marayo, hadana waxay igu reebtay uurku taalo aan iga go'ayn waligey, waxaan ka murgaa markaan arko sawiradiisii, aan xusuusto dhaqamadiisii, waxaanse Allah weydiistaa inuu ii danbi dhaafo markasta oo aan soo xusuusto.
 hadaba waxaan doonayaa inaad igala taliso, sida aan sheekadaas xanuunka badan ku ilaawo, isla markaasna aan uga gudbo!!! mahadsanid.





ALMOSTASHAR JAMALUDIN CAWKE
Email: talobixin@hotmail.com
marka hore waxaan kaaga mahadcelinayaa kalsoonidaada, iyo sida aan u qiratay khaladkaaga, walaalo noloshan adduunku waa imtixaan, lagu kala saarayo dadka.
seygaaga Allaha u naxariisto, waxaan Allah kaaga baryayaa inuu ku siiyo badel kheyr qaba.
mushkiladaada waxay ka mid tahay waxyaalo dhaawacaya dareenka qofka, marka aad qaadato tallaabooyin aad u khaldan adigoo isu haysta inaad saxsanahay, laakiin waxay ahayd arimo qoran, waxaase muhiim ah inaad ka soo noqotay khaladkaas.
waxaan dareemayaa inaad soo dhaaftay xilligii ay wax ku tari lahaayeen waanooyinka, oo aad ka soo gudubtay noloshii aad la wadaagaysay seygaaga, waxaanse kuu soo jeedinayaa inaad kala bakhaylin sheekadaan dhamaan walaalaha kula mid ah, si ay ugu cibro qaataan oo ay u anfacdo.
waxaa iiga kaa muuqda inaad ku soo kortay guri adduun, oo aan aakhiro lagugu soo barbaarin, nolol aad hesho wax kasta oo aad u baahato, nolol aad moodo inaan laga dhimanayn, noloshaas aad soo qaadatay ayaa maanta ku dhaxalsiisay dhibkaan, marka qofku inuu khaldamo ceeb maahan, laakiin waa inuu khaladkiisa saxo, qofku inuu kufo ceeb maahan, laakiin waxaa ceeb ah inuu fadhiyo meeshii uu ku dhacay.
maadaama aysan suurtogal kuu ahayn inaad u noqoto noloshaadii hore, fadlan dib u xisaabtan oo samayso qorshe kale,oo aad ku dhisayso qoys kale, si aad uga gudubto marxaladaas adag.
seygaaga markasta oo aad soo xusuusato u ducee, una bixi sadaqo badan, si aad isaga bixiso deynta aad dareemayso inuu kugu leeyahay.
ma ahan dhaqan fiican in qofka wax uusan awoodin laga dalbo, hantida iyo dhaqaaluhuna qiime maleh, marka ay sidaan oo kale dadka ka dhigaan, dad aan lahayn dareen aadanimo, iyo dad aan qiimeyneyn wax aan ka ahayn nimcaysasho iyo burburin dhaqaale.
Allah u noqo oo u towbad keen, wuu aqbalaa dadka u noqda.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: MURUGBADANAA... ANIGA AYAA NINKEYGII DILAY, GACANTEYDA KUMA DILIN.. LAAKIIN
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-28T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MURUGBADANAA... ANIGA AYAA NINKEYGII DILAY, GACANTEYDA KUMA DILIN.. LAAKIIN



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 6:00 AM and have 0 comments