MUCJISO SAAKA LAGU ARKAY SOOMAALIYA -DHAGAX CIRKA KA SOO DHACAY

MUCJISO SAAKA LAGU ARKAY SOOMAALIYA -DHAGAX CIRKA KA SOO DHACAY


ADVERTISEMENTS
Qeybo Ka mid ah Magaalooyinka Puntland waxaa lagu arkay Xalay Walax leh Muuqaal wayn oo ifaya kaasi oo ay Bulshadu garan waayeen waxa ay ku sifeeyaan. iyadoo Magaalooyinka uu dul Maray ay ka mid tahay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug uu sababay in Korantadii Magaalada uu ku dhaco shoog Muddo ku dhawaad 40 Daqiiqo ahna ay ka maqnayd .

Magaalooyinka laga arkay waxaa kamid ahaa Magaalada Gaalkacyo, Burtinle ,Garoowe iyo deegaano Hoos taga Gobalka Sanaag Bulshooyinka Deegaanadaasi ay ka muujiyeen Aragtiyo kala duwan.

Hay’ada Dayaxgacmeedyada Dunida ee layiraahdo NASA ayaa qoraal Kooban oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in uu dhagax ka soo dhacay Cirka uuna Dulmaray qaybo Kamid ah wadamada uu dhul baruhu Maro oo ay soomaaliya qayb ka tahay.

Goob Jooge ku sugan Dagmada ceel Buh ee Gobalka Sanaag ayaa warbaahinta u sheegay in Xalay Fiidkii la arkay walax wayn oo aad u ifaysa wax sharqan ahna aan lahayn oo Dul maraysa magaalada Ceel Buh isagoona sheeagy in la wayay Cid garata walaxdaani layaabna ay ku noqotay isagoo intaasi sii raaciyay in uu uga sii Gudbay dhankaa iyo Dagmada Baran.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: MUCJISO SAAKA LAGU ARKAY SOOMAALIYA -DHAGAX CIRKA KA SOO DHACAY
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-22T20:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MUCJISO SAAKA LAGU ARKAY SOOMAALIYA -DHAGAX CIRKA KA SOO DHACAY



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:30 PM and have 0 comments