Madaxweynaha Puntland iyo Michael Keating oo saxaafadda si wada jir ah ula hadley

Madaxweynaha Puntland iyo Michael Keating oo saxaafadda si wada jir ah ula hadley


ADVERTISEMENTS
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan isla amrkaana hoggaaminaayey wefdi heer sare ah ayaa saxaafadda si wada jir ah ula hadley, waxaana ay ka hadleen wixii uga baxay dhegaysiga qaybaha Puntland, kadib go’aankii Dowladda Federaalku ka gaartey in lagu saleeyo doorashada 2016.

Ugu horeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in ay sagootiyaan wefdigii uu hoggaaminaayey Michael Keating, kuwaas oo u yimid in ay ogaadaan mowqifka Puntland ee ku aadan doorashoioyinka 2016, go’aamadii ka soo baxay Dowladda Federaalka ah oo beesha caalamkuna ku taageertey.



Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wefdigu fursad u heley in ay la kulmaan dhamaan qaybaha bulshada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqey in ay heleen wefdigu aragti ku filan, ma jirto heshiis la gaarey ayuu yiri, laakiin waxaan isku afgaraney in ay iyaguna dib isugu laabtaan anaguna aan sii wadno wada xaajoodka, kadibna la isu soo laabto.

Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashadii Puntland isaga oo hoggaaminaaya Safiirada Beesha Caalamka, joogitaankooda iyo booqaashada ay ku yimaadeen Puntladn ayuu ku sheegay in ay Puntland u tahay qaddarin weyn oo Beesha caalamku u hayso, taas oo muujineysa doorka Puntland ee federaalka Soomaaliya, si ay u dhegayetaan dadka reer Puntland sida bulshada rayidka ah, Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo Golaha Wakiilada ee Puntland.

Wuxuu hoosta ka xariiqey in ay heleen aragti si qoraal ah loo soo gudbiyey oo muujineysa waxa Bulshada Puntland ay qabto.

Ergayga Qaramada Midoobey ayaa labo u kala qaadey waxyaabaha ay ka dhegsteen shacabka Puntland,

Dareenka ay ka qabaan bulshada in doorshooyinka lagu saleeyo 4.5 iyo
xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka ah.
Eragyaga ayaa sheegey in ay bulshada Puntland la wadaageen dareenkooda ku aadan 4.5, waxaase uu sheegay in ay wel-wel ka qabaan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Soomaaliya 2016, taas oo ah mid aad ugu xun Shacabka Soomaaliyeed, taariikh hore oo aan wanaagsaneyna leh isla markaana keeni karta cawaaqib xumo.

Michael Keating ayaa sheegey in ay wada hadal dib ugu noqonayaan Muqdisho iyo xaruntoodi.



Arrinta labaad ee uu ka hadley ayaa ah, dastuurka iyo wadaaga kheyraadka iyo maqaamka Caasimadda Soomaaliya,  waxaana uu sheegay in ay ka wada shaqeynayaan todobaadyada iyo bilaha soo socda si xal looga gaaro cabashooyinka Puntland, taas oo hagaajin karta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Waftiga waxaa kamid ahaa Danjiraha Maraykanka Ambassador David Kaeuper, Danjiraha Midowga Yurub Ambassador Tom Vens,(Representative), Danjiraha Ingiriiska Ambassador Harriet Methews , Danjiraha Talyaaniga Ambassador Fabrizio Machelli , Danjiraha Iswiidhan Ambassador Mikeal Lindvall, Danjjiraha Midowga Afrika Hon Laydia Wanyoto, Muntende(Deputy SRCC), Danjiraha IGAD Ambassador Mohamed AFFEY, Danjiraha Uganda Ambassador Mugisha K.Nathan iyo Danjiraha Itoobiya Ambassador Jamaludin Mustafe.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Madaxweynaha Puntland iyo Michael Keating oo saxaafadda si wada jir ah ula hadley
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-12T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madaxweynaha Puntland iyo Michael Keating oo saxaafadda si wada jir ah ula hadley



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments