MA DOONAYO GUUR DANBE WALAAL!!!!!

MA DOONAYO GUUR DANBE WALAAL!!!!!


ADVERTISEMENTS
MA DOONAYO GUUR DANBE WALAAL
Waxaan ahay hooyo dhashay 3 caruur ah oo 29 jir ah, waxaan guursaday anigoo yar wiil aan wax wada baran jirnay, wuxuu ahaa wiil aamus badan, waxaan la noolaa muddo 8 sano ah, wuxuu iila dhaqmay qaab aanan fahmin, 
markii aan isqabano, wuu aamusi jiray,ama gurigaba wuu isaga tagi jiray, markuu doono ayuu imaan jiray, hadii aan ka wareysto waxa ku dhacayna, wuxuu iigu jawaabi jiray,"waxaad tahay naag qeylo badan, waxaan dulqaataba wuxuu bilaabay inuu dumar la sheekeysto, oo farxad badan u muujiyo, aniga markuu ila joogana waxaa uu iila dhaqmaa waji xirxiran, waxay igu noqotay arin layaab leh, waxaan isku dhacnay mar kale oo waxaan weydiistay furriin, maadaama uusan jacayl ii hayn, oo aan dhaqankiisa la qabsan karin, muddo 6 sano aan la noolaa, waxaan arkay inuusan ka soo fiicnaanayn xaalkiisu, markii aan dhowr jeer ku dhagay, oo aan diiday inuu guriga ka baxo ilaa uu warqadayda isiiyo mooyee, ayuu ka guuray gurigii, muddo labo sano ah ayuusan imaan gurigii, wax biil ah nooma soo dirin, magaalooyin ayuu isaga dalxiisaa, wicitaan iyo wareysi midna kama helin, waxaan ugudbiyey dhowr jeer qaraabadii, wax walba waa lagala hadlay, hadana wax jawaab ah waa laga waayay, waxaan helay fursad qaali ii ahayd, laakiin aan ceeb badan kala kulmay, waxaan ogaaday inuu magaalada yimid, waan dabagalay, waxaan ka raadiyey meelihii uu fariisan jiray, waxaan ka helay meel Public ah oo aad loo buuxo, waxaan ka wacay telefoon, si uu iigu soo baxo, nasiib daro, markuu arkay telefoonkii ayuu xiray, aniga intaan xanaaq is hayn waayay, ayaan soo galay meheradii oo buuxda, markaas ayaan ku dhagay shaatiga, anigoo ku qeylinaya "warqadayda isii, wallaahi baadan dhaqaaqin, ilaa aad warqadayda isiiyo,  waxaa isku soo baxay dadkii oo dhan, waxaa lagu khasbay inuu warqadaydii oo dalqadihii oo kala dhigdhigan la iga siiyo, markaas ayaan nafisay, waa yaab, gabar la furay oo nafistay, run ahaantii waan nafisay, waxaan helay xaqeygii, waxaan isu arkay adoon siduu doono uu ka yeelay, waxaan bilaabay noloshaydii cusbayd ee garoobnimada, waxaan garoob ahay muddo 3 sano ah, waxaan ustaad isku arkay markii nin uu xiriir iisoo bandhigo, inaan xanaaqo, oo wareero, markaas uu yaabo oo dhaho, walaalay raalli ahow, waxaan doonayaa inaan guursado, laakiin ma jecli nimanka oo dhan, waxaan doonayaa inaan helo nin caruurteyda iyo anigaba na xannaaneeyo, laakiin ma aaminsani inaan helayo, fadlan ila tali, sidee uga gudbaa marxaladan dhibka badan, una helaa lammaane ii qalma?

JAWAAB
ALMOSTASHAR JAMALUDIN CAWKE
Email: talobixin@hotmail.com
Walaal waxaan kaaga mahadcelinayaa kalsoonidaada, iyo faahfaahinta arintaada, waxaan kula dareemayaa arintii ku soo qabsatay, iyo nolosha 
masuuliyad qaadis la'aanta ah ee aad soo martay, mar hadii aad kala tagteen oo aad ka heshay furiinkii aad rabtay ma ahayn in arintii wili ay kugu taagnaato, waxay culimada qoysku sheegeen, in markasta furiinku leeyahay raad xun, xataa hadii uu kuu ahaa go'aan fiican, waxa aad ka cabanayso waa raadkii furriinku uu keenay, waana waxyaalo fikirkaaga uga haray dhacdooyinka khilaafka iyo buuqu kugu reebay, iyo xilliyo aad fakartay oo aan si khaldan u fakartay, dhamaan arimahaas waa kuwo aad iska saari karto.

waxaa muhiim kuu ah inaad maskaxdaada ka saarto dhacdooyinkii hore, waxaa Allah uu nasiiyey nicmo qaali ah, waa nicmada iloobida dhacdooyinka, marka isku day inaad ilowdo oo maskaxdaada ka saarto.
inaad maskaxdaada ku program-iso inay jiraan niman ka fiican kii hore, oo aad ku celceliso, si ay kuugu duubanto.
inaad allah weydiisato inuu ku siiyo mid ka kheyr badan, xilliyada ducada la aqbalo, salaadaha ka dib, aadaanka kadib, iyo xilliga salaada habeenkii.  
F/G : Hadii aad arintaas wax isaga garan waydo, fadlan nagala soo xiriir emailkaas horey ku qoran, waxaa laga yaabaa inaad u baahan tahay fadhi toos ah in lagula taliyo. mahadsanid



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: MA DOONAYO GUUR DANBE WALAAL!!!!!
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-28T05:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MA DOONAYO GUUR DANBE WALAAL!!!!!



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:00 AM and have 0 comments