Kaymaha Dalka Uganda oo laga helay Virus-ka cudurka Zika

Kaymaha Dalka Uganda oo laga helay Virus-ka cudurka Zika


ADVERTISEMENTS
Keymaha dalka Uganda waxaa la soo sheegayaa in laga haley Virus-ka Cudurka Zika oo fara ba’an ku haya qaarada Ameerika.

Fayriskaay oo ah mid Kaneecaddu fidiso loona yaqaan Zika Virus, ayaa la sheegayaa in markii ugu horeysay laga helay juqda keymo 25 Km u jirra caasimada Kambala.

Keymaha laga helay cudurkaan wuxuu ku fadhiyaa cabir dhuleed dhan 12 Hektar, iyadoo baaritaan la sameeyay lagu ogaaday inay halkaasi ku nool yihiin in ka badan 60 nooc oo Kaneeco ah.

Dowlada Uganda waxay u dirtay juqdaasi koox ka socota Machadka Uganda ee Cilmi-baarista Fayriska “The Uganda Virus Research Institue (UVRI).

Cudurkaan Zika wuxuuu haatan dhibaato ku hayaa laatiin ameerika siiba Dalka Brazil oo uu ka bilowday sanadkii hore ee 2015 ,iyadoo sidooo kale uu ka dilaacay dalka Columbia halkaasoo uu si weyn ugu sii dhex dfidayo.

Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisay in maanta oo bishu tahay 1-da febraayo inay shir degdeg ah ka yeelaneyso faafitaanta Viruska Zika iyadoo laga wada xaajoon doono sidii looga hortegi lahaa Faafista Zika Virus.

Sidoo kale Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) Margaret Chan ayaa sheegtay inuu Fayriskaasi xiriir la leeyahay ilmaha ku dhasha madaxa yar.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Kaymaha Dalka Uganda oo laga helay Virus-ka cudurka Zika
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-02T05:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Kaymaha Dalka Uganda oo laga helay Virus-ka cudurka Zika



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:30 AM and have 0 comments