ILLAA IYO HADDA MA CADDA WAXA DHALIYAY DABKA KA KACAY DIYAARADDA DAALLO AIRLINES (SAWIRRO)

ILLAA IYO HADDA MA CADDA WAXA DHALIYAY DABKA KA KACAY DIYAARADDA DAALLO AIRLINES (SAWIRRO)


ADVERTISEMENTS
Maamulka Shirkadda Daallo Airlines, ayaa waxaa uu xaqiijiyay illaa iyo hadda inaanan si rasmi ah loo garanayn waxa sababay dabkii maanta ka kacay diyaaradda Daallo, xilli ay ka duushay Garoonka Aadan Cadde.

Rakaabkii la socday diyaaradda, ayaa waxay sheegeen inay maqleen jug xoogan, xilli 20 daqiiqo uun ay hawada ku jirtay diyaaradda, isla-markaana ay jugtaasi ka dhex maqleen gudaha diyaaradda.

C/naasir Nuur Qayd oo ka mid ah Maamulka Shirkadda Daallo Airlines, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday weli inaan la aqoon waxa dhabta ah ee dhaliyay jugta laga dhex maqlay diyaaradda, balse ay u badan tahay in Oxygen-ka diyaaraddu uu ka dhashay qaraxu.

C/naasir Nuur Qayd, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in diyaaraddu ay 11:20 barqanimo ee maanta ka amba baxday Magaalada Muqdisho, ayna ku wajahneyd dalka Jabuuti, balse ay 20 daqiiqo ka dib ku soo laabatay Garoonka Aadan Cadde, iyadoo uu dab ka kacay.

Qayd, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in 74 qof oo rakaab ah ay la socotay diyaaradda, waxaa uu intaa ku daray in laba ka mid ihi ay ku dhaawacantay shilkaasi, iyadoo mid ka mid ah uu xusay in xaaladiisu culus tahay.

Laamaha ammaanka ee Dowladda Somaliya, ayaan weli wax war ihi ka soo saarin shilka ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.






ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: ILLAA IYO HADDA MA CADDA WAXA DHALIYAY DABKA KA KACAY DIYAARADDA DAALLO AIRLINES (SAWIRRO)
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-03T05:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
ILLAA IYO HADDA MA CADDA WAXA DHALIYAY DABKA KA KACAY DIYAARADDA DAALLO AIRLINES (SAWIRRO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 5:00 AM and have 0 comments