Iga Aamus Kaasi Gaalkaa Dhaamee

Iga Aamus Kaasi Gaalkaa Dhaamee


ADVERTISEMENTS
Qisadaan oo ah mid dhab ah waxaa ka shakeysaneysa gabar wadaad ah oo wiilkii ay jecleyd xiriirka u jartay. Waxay sheegtay in ay ku wada noolaayeen caasimadii pore ee dalka Australia ee Zydney, waxan aheyn bay tiri isku Iskuul, mudo kadib waanu isbaranay oo waanu wada sheekeysanay hase ahaatee xiriirkeenii wuxuu isku badalay mid aanu isku jeclaano, xaqiiqdii waa wiilkii igu horeyey oo aan jeclaado ayey tiri, waxay kaloo hoosta ka
xariiqday in aysan ka maarmi karin. Lamaanahaan oo si’aad ah isku jeclaa ayaa xiriirkoodii ku dhamaaday si wuxuushnimo ah oo aanan Diin ku saleysneyn. Waxay tin markii aanu soo wada dhameysanay dugsiga sare ayaa sanadkii 2004 waxaa bilownay Jaamacad, oo labadeenuba waxan ku heshiinay marka ay inoo dhamaato jaamacadda waxa xigga in uu yahay Guur. Jaamacadii waa ay dhamaatay Masha Allah balse maxa xigga. Waxay ku heshiyeen in gabadha waalidkeeda laga soo doonto, gabadhana waxay u sheegtay waalidkeeda in uu soo doonan Doono wiil ay jaceshahay waalidkii oo qoslaaya baa-yiri wax badan Guur waanu kuugu taag weynay waaba Nasiib mar hadaad adiga latimid ninkii ku guursan lahaa.

Gabadha hooyadeed ayaa tiri hooyo ninka ku soo doonanaayo waa Qolama (Muxu yahay Qabiilkiisa) ileen Somali qabiil kama dhamaato’e, hase yeeshee waxay ugu jawaabtay garan maayo wuxu yahay, islaantii baa qosol intee la-soo booday tiri Walee faa ‘lido maleh caruurta qurbaha ku koray. Si kastaba ha’ ahaatee waxay ku tiri vac ninka oo waxad ku dhandaa yaa tahay, sidii ayey yeeshay balse wuxu u sheegay in uu yahay mid kamid ah qabiilada ay Soomaalidu heeb soocdo, gabadha waa Gabar 24 jir ah waana Gabar ku fiican dhanka Diinta Islaamka.

Qabiilkii uu u sheegay wiilkii ay jecleed ayey hooyadeed u sii sheegtay maadaama ay weydiisay waxa uu yahay. Inyar ayey aamustay islaantii wax yar kadib ayey qeylo aanan kala joogsi laheyn ku dhufatay. Qeylo kadib iyadoo ku dhawaaqday naa miyaad garaneysaa waxa uu yahay, naad miyaad aqoon u leedahay qabiilka uu yahay, naa miyaa laguugu soo socdaa, gabadhii ayaa yaabtay mise-na tiri walee hooyo waxa ka qeylisiiyey oo hadana ka ooysiiyey wax yar maba aha.

Gabadhii ayaa ku jawaabtay hooyo maya ma ‘aqaano ee Gaal miyaa ? ileen gabadha wax kale in loogu diidaayo maba ogsoona. Islaantii ayaa ugu jawaabtay naa gaal baala qaatay. Markale ayey gabadhii yaabtay, hase yeeshee islaantii ayaa u sheegtay ninkaan qabiilka uu ka dhashay in aysan Soomaalidu guursan oo ay yihiin wax laga faano. iyada oo gabadhadeeda dhinac ula baxday kana dhaadhicisay in ay xiriirka u jarto oo ay u sheegto in aysan odayaal gurigooda imaanin, oo waxay kaloo ku tiri u sheeg anigoo yar buu aabe nin i siiyey dheh.

Xiriirkii ayey u jartay, haddii uu soo soco teleefanka kama qabaneyso bal in ay wacdo iskaba daayee, haddii uu gurigeeda imaan lahaa waa ay ka guurtay, wadi waxa ku dhashay fajac iyo jah-wareer, waxa ku dhashay maxay tahay sababtu markaan guurka dhigan rabnay aan u waayey, mudo 3 bilood kadib ayuu ku arkay suuqa weyn ee Sydney. iyadoo ku turi hadaad gacanteeda danbe qabato meeshaad ayaa geli laheyd diyaarso. Waa uu yaabay, yaab dabadii goobtii ayuu iskaga tagay, wuxu magaaladda ka maqlay in lagu diiday beesha uu ka dhashay. Wuxuse ku andacooday marka ay hada xiriirka ii jareyso maxay mar hore igu jari weyday oo markaan wax walba soo of jaray ay balanta uga baxday. waa uu qafiifay, wuxuuse iskaga haajiray Australia isagoo u shiraacday dalka Ingiriiska. Si kastaba ha’ ahaatee goor ay laba sano ka soo wareegatay ayey gabadhii iska murugootay waxa ay kula kacday gacaliyaheedii hore, waxay la-tashatay gabar kale oo markaas iyana ka weyneyd oo aheyd gabar ay wax ka wada baran jireyn Jaamacadda, waxay u sheegtay arinkii sida uu u dhacay, gabadhii ayaa ku tiri, naa waa hoogtay Walee waad qasamtay, sidaan maan ku moodeen, hooyadaana waa Jaahilad, waxa ku jira waa Soomaali naceeb, naa ninkaas hebel iyo hebel ah yaa kaaga wanaagsanaa, wuxuu ahaa nin jaamacadda kaalmaha hore ka geli jiray, wuxu ahaa nin isku filnaansho gaaray, wuxu ahaa nin heestay Shaahadada Master-ka ee Doctor, hase yeeshee waxay ku tin haddii aad moodo inaan been ku sheegaayo waxad xiriir la-sameysa sheekhada ugu caansan dalka Somalida sida Sheekh Cumar Faaruuq, Sheekh Cismaaciil Mustafa Haaruun, Sheekh Ummul iyadoo markiiba u qmtay teleefanada laga helo.

Sidii ayey yeeshay Sheekh walbana wuxu u sheegay arrintaas ay hooyadeed u sheegtay in ay tahay arin aanan raad iyo reeb toona ku laheyn Diinteena Suuban ee Islaamka.
Dhanka kale Nebigeyna wuxu yin Caleehi Salaatu Wasalaam, Diinta Islaamka waa Diin kaamil ah oo aan waxba ka maqneyn, cidii wax ku soo darto ama ka dhinto iyaga ayaa lagu celinayaa. Arrinta dad badan ka yaabisay ayaa waxay tahay, Dad Islaam ah ioo%, hadana aanan ku carnal falin waxa ay baneestay Diinta Islaamka waa wax inaga wada yaabiyey. Gabadhii oo iska ooyneysa oo sheekada sii wadata ayaa waxay tiri waxaa igu dhashay in aan ka raadiyo Ingiriiska nasiib wanaag waan arkay, waxaan rabaa inaan ku guursado, waxaan rabaa inaan ka xaal-maiiyo qaladkii aan kaala dul dhacay ayey si hoose u tiri. balse wuxu igu jawaabay ayey tiri, Nafta mar waa ay ku rabtay balse hada raali kaama aha, ee iga tag, maanta maaha maalintaad i dhaheysa haddii aad gacanteda qabato meeshaad iga geli laheyd diyaarso ee maanta waa maalinteeda ee hadaad iga hor dhaqaaqi weyday walee calooshaada xaaladaada waa loo-yaabi doonaa. Hanjabaada ka soo maaxaneysa umma jeedo ee waxay u jeedaa oo kaliya sidii ay ku hanan laheyd, kadib waa ay iskaga tagtay, waxay ku soo laabatay Australia waxay arrintii u sheegtay gabadhii ay jaamacadda wada dhigan jireyn, nasiib wanaag gabadhii ayaa ku tiri ina keen laga yaabo darteeda inuu kuugu cafiyo’e, mar kale ayey ku soo laabteen Ingiriiska waa ay la kulmeen, wuxuuse u sheegay gabadhii kale in uu u haayo Abaal weyn, isagoo u raaciyey gabadhaan xaas ii noqon meyso oo hooyadee oo kale ayey iga tahay waxbana uma qabo waa cafiyey

iyadana ha’ iskakey cafiso. Ugu danbeen gabadhii si kasto oo ay ku hanan karto ayey sameysay balse wiilka ayaa calool adeegay sidaas ayaana lagu kala tagay.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Iga Aamus Kaasi Gaalkaa Dhaamee
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-17T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Iga Aamus Kaasi Gaalkaa Dhaamee



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 10:30 PM and have 0 comments