Guddi loo saarey caqabadaha ka taagan dhoofka xoolaha ee Imaaraadka carabta – Sawiro

Guddi loo saarey caqabadaha ka taagan dhoofka xoolaha ee Imaaraadka carabta – Sawiro


ADVERTISEMENTS
Wasiirka Xanaaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Imaaraadka carabta kula kulmey Wasiirka Bay’ada, isbedelka Cimilada & Xoolaha ee dalka isutaga Imaaraadka Imaaraadka Carabata Dr .Thani Alzeyoudi. kulankan ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Bay’adda iyo isbeddelka cimilada ee UAE.

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray xiriirka labada dale iyo xalinta caqabado indhawayd lasoo dersey dhoofka xoolaha Soomaaliya ka aadi jirey wadanka UAE, kadib xanibaado UAE kusoo rogtay dhoofka xoolaha sababo ay ku sheegeen caafimaad, kadib wada hadal dheer, waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in la xaliyo cabashadaas, waxaana la isla dhisey gudi wadajir ah oo ka kooban Soomaliya iyo Imaaraadka,kuwaasoo kashaqayn doona sidii loo hirgalin nidaam wada-shaqayn oo dhowraya tayada iyo shuruudaha wadanka wax loo dhoofinayo iyo nidaam koontorol iyo baaris oo Wasaarada X.Xoolahu kusoo rogi doonto dhamaan Maxjarada xoolahu ka dhoofaan ee Soomaliya.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Ambassador Cqaadir Shiikheey oo door firfircoon ka qaatay xalinta howshaas,dedaal dheeraad ahna u galay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi ee labada dal.

Waxa sidoo kale goobjoog ka ahaa wakiilo kasocda Maxjarada Muqdisho iyo Boosaaso iyo Dhakhaatiir xoolaha ah.




ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Guddi loo saarey caqabadaha ka taagan dhoofka xoolaha ee Imaaraadka carabta – Sawiro
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-24T20:12:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Guddi loo saarey caqabadaha ka taagan dhoofka xoolaha ee Imaaraadka carabta – Sawiro



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 8:12 PM and have 0 comments