Gabdhaha u Gudan FIRCOONIGA Sababta ay uga baqaan Guurka.!!!!!xog xasaasi ah

Gabdhaha u Gudan FIRCOONIGA Sababta ay uga baqaan Guurka.!!!!!xog xasaasi ah


ADVERTISEMENTS
Waxaa maqaalkan nagu kalifay qoritaankiisa kadib markaan aragnay dhibaatada ay la kulmaan gabdho badan oo Soomaaliyeed. Dhibaatadaas oo gabdho badan saamaysay, oo xataa gaadhsiisay heer ay nacdo guurka oo idil kadib dhibaatooyinka ka soo gaadhay habeenkeedii 1aad ee guurka guditaanka darteed !
Markii aan baadhitaan ku sameynay waxaan ogaanay,in gabdho badan ayna ka warqabin, dhibaataday ku keeni karto guurkeeda,hadii ayna dhakhtarka aadin waxaana jira gabdho og balse iska indhatira.
Waxaan kugula talineynaa walaal arimahan.
1aad. Kala hadal gudniinkaaga wiilka aad isguursaneysaan ( isku doonantihiin) idinka oo uunan hadalkiinu ka baxaynin xaduudka Alle. Usheeg siduu caafimaadku kuugu jiro, sida in aad dhakhtarka isku soo furtid (fiiri qodobka 6aad).
2aad. Waxaa jira niman badan oo Soomaaliyeed oo haysta dhaqankii jaahiliga, kuwaas oo ka soo horjeedsada gabadha, kadibna ay iyadii u hogaansanto amarkiisa, iyadoo og dhibaataday la kulmeyso. Nimankaas jaahiliga ufakaraya ayaa waxaa kamid ah, kuwa leh: Xaaskaan guursanayo miyaanan nin ahayn, marka gudniinka la iiga furayo iyo wax sidaas lamid ah…
3aad. Waxaad ogaataa walaalo in aad adigu jidhkan leedahay, tahayna qofkii dareemayay xanuunka, ee ay dhibaatadu soo gaadhaysay! Ku kalsoonow go’aankaaga!
Waxaa xaqiiq ah in uu ninka wanaagsan ee banii’aadmiga ahi, ka soo horjeedsaneynin in uu ka dhawro, waxa dhibaya gabadha uu mustaqbalka ka rabo. Sida in uusan udiidin gudniinkeeda oo ay u aado dhakhtar . Gabadha Soomaaliyeed aad ayey uga baqdaa dhakhtarka, aad iyo aad ayeeyna ugu baahantahay dhiiri galinta ninka mustaqbalkeeda ah.
4aad. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee uu keenayo gudniinku waxaa kamid ah, gabadhii oo uur yeelata iyada oo gudan, kadibna gudniinkeedii la furo intaysan dhalin kahor, taasna xanuun ayey ukeentaa gabadha.
5aad. Waxaa kaloo iyana jirta in gabadhii karaahiyo iyo nacayb u qaado ninkeeda sababtoo ah, waxay dareemaysaa in uu yahay naxariis la’aan iyo waxaan la ilaawi karin wuxuu ku sameeyay.
6aad. Habka aad takhtarka ku aadi kartid:
Dhakhtarku wuxuu kugu sameynayaa qalitaan yar oo lagu suuxinaayo qiyaastii 1saac. Dhakhaatiirta Yurub waxay caada uleeyihiin in ay ku asturayaan hadaanad rabin in ay ku ogaadaan faamilkaaga, saaxiibadaa, dadka soomaalida iwm. Waxaadna arintan ogeysiisaa kalkaaliyayaasha meesha operationka jooga iwm.
Waxaanse kugula talinaynaa in aad kaxaysatid qof aad ku kalsoontahay, hayn karana sirtaada, sida walaashaa, ina adeertaa, habarawadaagtaa, saaxiibtaa iwm, maadaama ay wax kastaaba dhici karaan.
Si aad arintaan uguda gashid, waxaad balan la yeelataa dhakhtarkaaga caadiga ah (practical doktor), kadibna wuxuu kuu diri dhakhtarka wayn oo eegaya operationka nooca aad ubaahantahay. Kadibna wakhti ayey kuu soo qabanayaan.
Qalitaanka kadib waxaad kala dooran in aad gurigaaga aadid (adoo caadigaaga usoconkara, baska ama gaadiid kalena raaci kara.
FG! Waxaa fiican in aad 3 bilood ugu yaraan kahor guurkaaga utagtid dhakhtarka, maadaama ay adagtahay sida takhtar wayn lagu helaa.
Waxaan rajeyneynaa in aan wax kugu kordhinay. Intaas wixii dheeraad ah nagala soo xidhiidh:



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Gabdhaha u Gudan FIRCOONIGA Sababta ay uga baqaan Guurka.!!!!!xog xasaasi ah
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-19T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Gabdhaha u Gudan FIRCOONIGA Sababta ay uga baqaan Guurka.!!!!!xog xasaasi ah



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 9:00 PM and have 0 comments