Duulimaadyadii caalamiga ahaa oo maanta aan imaan garoonka diyaaradaha Muqdisho

Duulimaadyadii caalamiga ahaa oo maanta aan imaan garoonka diyaaradaha Muqdisho


ADVERTISEMENTS
Duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee maalin walba imaan jiray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta hakad galay, kadib shilkii shalay ku dhacay Diyaaraddii Daallo Airline oo deg deg ugu soo laabatay garoonka, markii uu dhaawac soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradihii maalinlaha ahaa aanay maanta ka soo degin Garoonka, sida Diyaarada Turkish Airways oo todobaadkiiba Muqdisho imaan jirtay afar illaa shan jeer.

Diyaaradda Turkish Airways ayaa labadii maalmood ee u dambeysay imaan garoonka, sababo aan la sheegin, waxaana rakaabkii shalay saarnaa Diyaaraddii Daallo Airline ay ugu geyn laheyd dalka Jabuuti, halkaasoo ay ka sii qaadi laheyd.

Sidoo kale ma jirin duulimaadyadii sida caadiga ah u tagi jiray dalalka deriska oo ka baxay garoonka Muqdisho, balse waxaa jiray diyaarado kooban oo ka yimid Nairobi, sida diyaaraddaha Qaadka keena Muqdisho.

Garoonka ayaa waxaa ka soo degay diyaarado gudaha ah, sida diyaarada Jubba Airways oo Rakaab ka keentay Hargeysa.

Mogadishu-X-Scenery-fsx1

Saraakiisha Garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in garoonka aanu maanta mashquul u aheyn sidii maalmihii xilliyadii hore la soo dhaafay.

Baaritaanada diyaaradda Daallo ayaa wali socda, waxaana maanta ka qeyb qaadanayay eeyaha wax uriya iyo saraakiil aqoon u leh baaritaanada shilalka ku dhaca diyaaradaha, mana jirto wali jawaab ka soo baxday Baaritaanadaas.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa goor sii horeysay bilaabay baaritaanka diyaaradda Daallo oo shalay si deg deg ah u soo fariisatay garoonka, iyadoo dhinac ka muuqday duleel weyn, waxaana rakaabka diyaarada ay maqleen jug weyn oo qarax ahaa.

Hal ruux ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay diyaarada, markii uu ka baxay duleelka, halka labo kalena ku dhaawacmeen.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: Duulimaadyadii caalamiga ahaa oo maanta aan imaan garoonka diyaaradaha Muqdisho
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-04T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Duulimaadyadii caalamiga ahaa oo maanta aan imaan garoonka diyaaradaha Muqdisho



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 1:00 AM and have 0 comments