DOWLADDA SOMALIYA OO SHEEGTAY 21 CISHO IN LA JOOJINAAYO DUULIMAADYADII TAGI JIRAY MAGAALADA HARGAYSA

DOWLADDA SOMALIYA OO SHEEGTAY 21 CISHO IN LA JOOJINAAYO DUULIMAADYADII TAGI JIRAY MAGAALADA HARGAYSA


ADVERTISEMENTS
Dowladda Somaliya ayaa waxa ay si rasmi ah u xaqiijisay in la joojinaayo muddo 21 cisho Duulimaadyadii tagi jiray magaalada Hargaysa, kuwaasi oo ka ambabixi jiray Magaalada Muqdisho. 

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Somaliya C/laahi Gaafoow Maxamuud, ayaa sheegay in 22 Ka Bishan uu dhaqangalaayo amarka ku aadan Mamnuucista Duulimaadyadii tagi jiray Magaalada Hargaysa. 

Waxa uu sababta ku sheegay amar ka soo baxay Somaliland oo dadka shacabka ah ee Muqdisho soo aadaya looga qaadayo Lacago ay ku jaranayaan Warqad dib ugu laabasho dalkaaga ah (Go Home). 

“Hadii duulimaadyadii gudaha dadka lagu qasbayo inay goostaan Go Home, lacago badan laga qaadayo, uma dulqaadan doono, waxaa shirkadaha ku amarnay inay duulimaadyadii Hargeysa iyo Muqdisho joojiyaan, inta laga xalinayo caqabadahaas”ayuu yiri Jen. Gaafow. 

Arintaan ayaa waxa ay saameyn badan ku yeelanaysaa dad badan oo isaga kala dhoofa Magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdisho, qaarkoodna xiriir ganacsi oo ballaaran u aada labada Magaalo.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: DOWLADDA SOMALIYA OO SHEEGTAY 21 CISHO IN LA JOOJINAAYO DUULIMAADYADII TAGI JIRAY MAGAALADA HARGAYSA
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-03T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DOWLADDA SOMALIYA OO SHEEGTAY 21 CISHO IN LA JOOJINAAYO DUULIMAADYADII TAGI JIRAY MAGAALADA HARGAYSA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 12:00 AM and have 0 comments