DOWLADDA SOMALIYA OO QARAX KU SHEEGTAY JUGTII XOOGANEYD EE LAGA MAQLAY DIYAARADDA DAALLO AIRLINES

DOWLADDA SOMALIYA OO QARAX KU SHEEGTAY JUGTII XOOGANEYD EE LAGA MAQLAY DIYAARADDA DAALLO AIRLINES


ADVERTISEMENTS
Inkastoo sida ay sheegtay Dowladda Somaliya aan weli la soo gaba gabeen baaritaanada, ayaa waxay hadana shaacisay wixii laga dhex maqlay diyaaradda Daallo inuu ahaa qarax.

Cali Axmed Jaamac (Jangeli), Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somaliya, ayaa waxaa uu caawa shaaciyay in qaraxaasi loo adeegsaday Laptop.

Wasiirka, ayaa ku waramaaya in kuwii qaraxaasi soo maleygay uu hadafkoodu ahaa inay dhibaateeyaan diyaaradda Daallo iyo weliba rakaabkii la socday, oo tiradoodu ay ahayd 74 qof.

Wasiirka, aya sheegay in si farsamo uu wax kaga xumaaday dembiilayaasha, mooyee ay doonayeen inay laayaan dhammaan rakaabkii diyaaradda la socday iyo burburin ay u gaystaan diyaaradda.

Wasiir Jangeli oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa xusay inay jiraan dad loo soo qab qabtay falkaasi, oo ay hadda baarayaan laamaha ammaanka, dibna ay ka soo faah faahin doonaan wixii war ihi ee ka soo baxa.

Diyaaradda Daallo oo maalintii Talaadada ka kacday Garoonka Aadan Cadde, kuna sii jeeday dalka Jabuuti, ayaa 20 daqiiqo ka dib waxaa laga dhex maqlay qarax wayn, taasoo keentay in duuliyihii diyaaraddu uu dib ugu soo celiyo Magaalada Muqdisho.



ADVERTISEMENTS
thumbnail Title: DOWLADDA SOMALIYA OO QARAX KU SHEEGTAY JUGTII XOOGANEYD EE LAGA MAQLAY DIYAARADDA DAALLO AIRLINES
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-07T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DOWLADDA SOMALIYA OO QARAX KU SHEEGTAY JUGTII XOOGANEYD EE LAGA MAQLAY DIYAARADDA DAALLO AIRLINES



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at 3:00 AM and have 0 comments